Khadar khaliif

Khadar khaliif Muxuu qalinku sheekiyo
Qumanaha dharartiyo
Kolba qodob layaabliyo
Mahadhooyin qor ayaa
(1)

Sida ay sheegayaan xogo amni, Taliye Shub waxaa soo gaadhay dhaawac fudud, kaddib markii laba gantaal lagu dhuftay gurig...
09/04/2026

Sida ay sheegayaan xogo amni, Taliye Shub waxaa soo gaadhay dhaawac fudud, kaddib markii laba gantaal lagu dhuftay guriga uu ka deganaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Taliye Shub ayaa dhowaan ballanqaaday in aanu Aadan Madoobe Baydhabo nabad ku maamuli doonin. Kaddibna, weerarro is xigxigay ayay ciidamada isaga iyo Laftagareen ka amar qaataa ku qaadeen magaaladaasi.

Caawa isaga ayaa lagu beegsaday halkii uu deganaa, waxaana la sheegay inuu halkaas ku haystay ciidamo iyo saanad milateri.

Dawladda Federaalku waxay ku doodaysaa in ciidamada ka amar qaata masuulkan iyo garabka Laftagareen ay yihiin kooxda AS.

Maxay kula tahay.?

  soomaali ahaan ba Maxaan ka baran Mr Gedu andergachew Mr. Gedu Andargachew Alene wuxuu ahaa masuul sare oo kusoo jiray...
08/27/2026

soomaali ahaan ba Maxaan ka baran Mr Gedu andergachew
Mr. Gedu Andargachew Alene wuxuu ahaa masuul sare oo kusoo jiray siyaasada Itoobiya illaa 2009, isagoo soo ahaa madaxweynihii h**e deegaanka axmaarada, , wasiirkii h**e Arrimaha dibada, lataliyaha sare ee raysal wasaraha ee. Amniga qaranka iyo waliba xilal kale oo badan oo ay kamid tahay wasiirka beeraha ee deegaanka Axmaarada.
Masuulkan oo ugu danbayn iska casilay dhammaan xilalkii uu ka hayay dawlada Itoobiya ayaa maalmahan baraha bulshada kasoo muuqday isagoo kusugan USA kana shaqaynaya barxada ladhigto baaburta ( Parking attendant).

Hadaba waxaan halkan kusoo gudbinaynaa 3 qodob oo laga baran karo hab dhaqanka masuulkaas.
1. In xilalka iyo danaha shaqsiga laga h**eysiiyo danaha bulshada.
Masuulkan dhammaan xilalkii uu hayay wuxu uga tanaasulay rabitaanka iyo masaaalixda shacabkiisa isagoo diiwaan ka shacabkisa ugu qoran halyeey ( hero)
2. In masuuliyada bulshada iyo xilku uusan ahayn meel dhaqaale laga sameeyo ee ay tahay fursad bulshada loogu adeego
3. In masuulku marka uu xilka katago ama ha iscasilo ama ha la eryee, aysan mansabkii uu soo maray seejinin inuu uxamaasho reerkiisa.

Wabillaahi tawfiiq

Magaalada Nairobi, ninkan oo kamid ah shabakad dadka telefoonada ka xada ayaa lagasoo qabtay xaafadda Kayole, halkaas oo...
08/24/2026

Magaalada Nairobi, ninkan oo kamid ah shabakad dadka telefoonada ka xada ayaa lagasoo qabtay xaafadda Kayole, halkaas oo uu ku dhuumanayay.

Gurigiisa ayaa laga soo saaray telefoono badan iyo laptop-yo.

Tuugada telefoonada ayaa waayadan aad loo soo qabanayaa, waxayna booliisku sheegeen inay ka go’an tahay soo qabashada dhammaan tuugada telefoonada xada.

Haddaba, halkan ka eeg inuu telefoonkii laga xaday uu ku jiro.

"Hooyo da'a ah oo 80 sanno dhaaftay oo Muqdisho Laamiga iyo wadada qaylinaysa, oo Alle u cabbanaysa, oo dhahaysa Booskay...
08/21/2026

"Hooyo da'a ah oo 80 sanno dhaaftay oo Muqdisho Laamiga iyo wadada qaylinaysa, oo Alle u cabbanaysa, oo dhahaysa Booskaygii ganacsade ayaa qaatay ayaad arragteen. Waxay ka dacwoonaysa kii wax siin lahaa ee daryeeli lahaa."

"Ummad kuwedii tabarta darnaa dulman yihiin, ummad Dowladi ilaalin lahayd ka taajirayso sidey Qaran ku noqon karaan? Dulmiga kii awood lahow gacanta qabo, kii hadli karow hadal, kii aan tabar haynow qalbiga ka nac. Ha u hiilin dulmiga."

Sheekh Umal oo khudbadii maanta kaga hadlay hooyoyinkii Muqdisho dhulka laga qaatay.

Waxaa Socda qorshe lagu dhexdhexaadinayo mucaaradka labadiisa garab gaar ahaan madaxweyne h**e farmaajo Iyo madasha must...
08/21/2026

Waxaa Socda qorshe lagu dhexdhexaadinayo mucaaradka labadiisa garab gaar ahaan madaxweyne h**e farmaajo Iyo madasha mustaqbalka.

Arrintan ayaa looga gol-leeyahay si loo helo mucaarad mideysan oo meesha ka saara maamulka madaxweyne Hassan sheikh.

Xalka Khilaafka mucaaradka ma noqon karaa mid dhala xeelad lagu saari karo Xukuumadda Xassan Sheikh?

Waa meydadka dad shacaba oo shalay lagu duqeeyay xeebaha Puntland ku waaas oo goordhaw la,aasay.diyaaradaha dagaalka tur...
08/21/2026

Waa meydadka dad shacaba oo shalay lagu duqeeyay xeebaha Puntland ku waaas oo goordhaw la,aasay.

diyaaradaha dagaalka turkiga ayaa lagu eedeeyay duqeynta dadkan lagu laayay waxayna shacabka deegaanku sheegeen in aysan burcad badeed ahayn,balse ay ahaayeen ka luumeysato shaqadooda caadiga ah ku jiray.

Xeebaha Puntland gaar ahaan deegaanka Garmaal waxaa lagu heystaa maraakiib ay afduubteen burcad badeed Soomali ah oo uu kujiro markab u raran xerada ciidamada turkiga ee Muqdisho.

Jawaab iyo jawaab celin: Naniyaahuu ayaa ku yidhi Turkeyga “ Waxan h**ey uga adkaanay boqortooyooyin waaweyn oo Jilbaha ...
08/21/2026

Jawaab iyo jawaab celin: Naniyaahuu ayaa ku yidhi Turkeyga “ Waxan h**ey uga adkaanay boqortooyooyin waaweyn oo Jilbaha Dhulka u dhignay”!!

Erdogan ayaa ku afceliyey; Boqortooyinkee ka adkaateen, dalkaaga waxa ka da weyn walalkay” 😂

Halkaan waa Xamar weyne!Ninkaan macawiista wata ee qoriga laa laadinaya waxaa la iisheegay in uu ka mid yahay saraakiish...
08/21/2026

Halkaan waa Xamar weyne!

Ninkaan macawiista wata ee qoriga laa laadinaya waxaa la iisheegay in uu ka mid yahay saraakiisha Minashiibiyada ee Canshuuraha uruuriya waxaana lagu magacaabaa Qaamuus.
Subax walba isagoo wata macawiistaas iyo qori Ak47 ah ayuu soo galaa suuqa isagoo min $1 ka aruursada ganacsatada ha yaraado ama ha weynaado,sidookale wuxuu uruuriyaa Canshuurta Gobolka Banaadir.

Halka sidookale Bil walba uu dukaan kasta ka rabo $10 oo baad ah hadii uu ganacsaduhu dhiibi waayo Halka Dollar ee maalin laha ama tobanka dollar ee Bisha wuxuu ka daadiyaa dhamaan alaabta dukaankiisa u saaran.
Muuqaal isoo gaaray ayaa muujinaya isagoo qoriga ku handadaya ganacsato u badan hooyooyin warato ah kadib markii uu mid kamida ka daadiyay alaabtii ay gadeysay.

Maka mid tahay Ganacsatada uu ninkaan dhibka ku hayo?

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso inay yeelato door istiraatiiji ah oo...
08/21/2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay doonayso inay yeelato door istiraatiiji ah oo la mid ah kan Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo ilaalinta marin biyoodka Badda Cas.

Cirro ayaa wargeyska The Economist u sheegay in Somaliland ay oggolaan karto in dalal shisheeye ay saldhigyo millatari ka samaystaan dhulkeeda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago Mareykanka, halkaas oo uu doonayo inuu kula kulmo Madaxweyne Donald Trump, isagoo rajo ka qaba in xiriirka Somaliland uu ka helo taageero iyo aqoonsi dheeraad ah.

Dhanka kale, Cirro wuxuu sheegay in dadaalladii wada hadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay Turkigu dhex dhexaadinayeen aysan natiijo ka gaarin yoolkii laga lahaa. Sida uu sheegay, haddii wada hadallo cusub la qabto, wuxuu rajeynayaa in goobta lagu wada hadli doono ay noqoto Tel Aviv.

Abdiaziz Mohamed

Jigjiga ayaa 2 gool ugu awood sheegatay Hargeysa, ciyaar saaxibtinimo oo maanta Jigjiga ka dhacday. Waa markii 4aad ee k...
08/21/2026

Jigjiga ayaa 2 gool ugu awood sheegatay Hargeysa, ciyaar saaxibtinimo oo maanta Jigjiga ka dhacday. Waa markii 4aad ee koox Somaliland ka socota Jigjiga lagaga badiyo. Garoomadan marna kuma badin.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar khaliif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share