Khadar khaliif

Khadar khaliif Muxuu qalinku sheekiyo
Qumanaha dharartiyo
Kolba qodob layaabliyo
Mahadhooyin qor ayaa
(1)

"Hambalyo dhamaantiin. Maanta waxaan saxeexnay heshiiska Warshad wayn oo laga dhisi doono Magaalada Godey. Iyadoo laga f...
08/28/2025

"Hambalyo dhamaantiin. Maanta waxaan saxeexnay heshiiska Warshad wayn oo laga dhisi doono Magaalada Godey. Iyadoo laga faa'ideysanayo khayraadka Deeganka Soomalida ee shidaalka ayaa tuumboyin lagu gaadhsiin doona Godey. Waxayna warshadaas Bacrimiyaha Beeraha inta h**e noqon doonta mid daboosha baahida dalka, marka dembena waa la dhoofon doona. Hambalyo dhamaantiin."

Mudane Axmed Shide, wasiirka Maaliyada JDFI ayaa siddaasi yidhi.

Gobalka Gedeo ee Deeganka Debubka waxaa ka dhacay dhul go'o ay ku dhinteen 9 qof.
08/28/2025

Gobalka Gedeo ee Deeganka Debubka waxaa ka dhacay dhul go'o ay ku dhinteen 9 qof.

Reer Galbeedka Qofka Dhagaha Durtaa Waxeey Ka Aaminsan Yihiin Inuu Yahay Khaniis Ama Laga Roone, Waana Calaamad Ay Isku ...
08/28/2025

Reer Galbeedka Qofka Dhagaha Durtaa Waxeey Ka Aaminsan Yihiin Inuu Yahay Khaniis Ama Laga Roone, Waana Calaamad Ay Isku Gartaan Laga Roonayaasha Dhago Durashada, Halka Maskiinka Somaliga Ah uu Horumar u Arko.

Dalka Kuweyt dhacdo aanan horay loo arag ayaa ka dhacday, Garsoore kamid ah garsoorayaasha kubbada gacanta ee dalkaas Ku...
08/28/2025

Dalka Kuweyt dhacdo aanan horay loo arag ayaa ka dhacday, Garsoore kamid ah garsoorayaasha kubbada gacanta ee dalkaas Kuweyt ayaa waxaa loo doortay garsoorihii ugu fiicnaa tartankaas, gudiga Tartanka ayaana abaal marin ahaan usiiyay kartoon buuxo oo kaniiniga Vi**ra-ha.

Xiriirka Kubbada cagta Kuweyt oo ay arinta lama filaan ku noqotay ayaana bilaabay baarutaan ku aadan dhacdadaan.

Kawarama hee? Kartoon Vi**ra ay sheekada maroosaa. 😁

✍️ Anteeno

“Anigu Hargaysa waxaan u tagay oo aan baadhayay Taarikhda sheekh Oromo ah,oo qoray farta Qoomiyada Oromada,isaga oo ku a...
08/28/2025

“Anigu Hargaysa waxaan u tagay oo aan baadhayay Taarikhda sheekh Oromo ah,oo qoray farta Qoomiyada Oromada,isaga oo ku aasan Hargaysa”.

Wiilkan, oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromiya isla markaana baraha bulshadda ku baahiya qoraal iyo sawir uu ku baahiyay Baraha bulshada ayaa sheegay in qoraalkiisa la marin habaabiya oo aysan jirin meel Oromo ay ku leedahay Hargaysa.

Waxaa uu sheegay in uu xaqiijinayay qabriga Sheekh Oromo ah oo loogu sheegay in uu ku aasan yahay Waqooyiga Hargaysa.
Sheekhasi Oromada ahaa ayuu sheegay in uu yahay ninkii qoray farta Oromada.

Wariyahii Rug Caddaaga Ahaa  Ee Larry King Ayaa Ka Sheekeeyay Waayihiisi, Dhallinyaro Nimadiisii.Wuxuxuu yiri "Maalinta ...
08/16/2025

Wariyahii Rug Caddaaga Ahaa Ee Larry King Ayaa Ka Sheekeeyay Waayihiisi, Dhallinyaro Nimadiisii.

Wuxuxuu yiri "Maalinta Jaceeylka adduunka ayaa gabar i jecel waxeey isiisay faraanti, kadib faraantigii ayaan siiyay gabar kale oo aan jeclaa, laakin isla galabtii ayaan faraantigii ku arkay nin aan saaxiib nahay oo aad iigu dhawaa"..

Waan weeydiiyay "War ninyahow faraantigaan xagee ka keentay?!!!

Wuxuu yiri "Waxaa isiisay gabar i jecel laakin waxaan siin rabaa gabar aan jeclahay"...

Waxaase yaab laheeyd gabadha uu jecelyahay ee uu siin rabo waa gabadhii ijecleeyd ee Faraantiga iisoo hadiyadeeysay.

Ugu dambeey wuxuu yiri "Waxaan garan waayay qofkeenna Khaa'inka ah!!

Maxay kula tahay adiga, Yaa wax Khiyaanay?

Mahysaa qisadan oo kale oo adiga kugu dhacday ama saaxibkaaga ku dhacday ?

08/15/2025

Prof.Cabdiwahaab Shiikh Cabdisamad oo ka falceliyey warqadii Senator Cruz u diray Trump ee aqoonsiga Somaliland.

Prof-ku wuxuu yidhi:

"Senator Cruz, ii ogolow inaan ku siiyo cashar kooban balse aad muhiim u ah oo ku saabsan juqraafi-siyaasadeedka Geeska Afrika, gaar ahaan Jasiiradda Soomaaliyeed.

Waxaan faham sanahay mowqifkaaga ku aaddan aqoonsiga Somaliland, sidoo kale waan ogahay cadaadiska aad kala kulmayso AIPAC [American Iaraaiil Public Affairs Committee] ee ku saabsan fikradda ah in dadka reer Qasa loo raro halkaas.

Laakiin ma ka fiirsatay waxa xiga ee ay arrintaanu dhalin karto?

1. Duulimaadkii ugu horreeyay ee qaxootiga Qasa oo ka soo dega Hargeysa wuxuu ka dhalin lahaa baaqyo xooggan oo ku saabsan midnimo Soomaaliyeed oo aan shuruud lahayn, gaar ahaan gudaha Hargeysa, Berbera, iyo Burco.

2. Beelaha kale ee ku sugan Somaliland waxay ku biiri doonaan codadka ku baaqaya dib u midoobidda Soomaaliya, taas oo meesha ka saari karta maamulka hadda jira.

3. Itoobiya waxay sheegan doontaa joogitaanka Xamas “deriskeeda” marmarsiiyo ay ugu soo duusho, u qabsato qaybo ka mid ah Somaliland, uguna samaysato marin badeed rasmi ah.

4. Djibouti iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga soo horjeesan doonaan ku xadgudubka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyeed.

5. Midowga Afrika wuxuu u arki doonaa arrintan jebin toos ah oo lagu sameeyay Axdiga AU ee 1963, taas oo khatar ku ah furitaanka “sanduuqa Pandora” ee dhaqdhaqaaqyada kala go’a ee Afrika oo dhan.

6. Shiinaha iyo Ruushka waxay u badan tahay inay diidaan aqoonsiga Somaliland.

7. Gudaha Somaliland wuxuu h**e u ahaa mid kala qaybsan — “Waqooyi-bari State” waxaa aqoonsan Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dowlad-goboleed ka tirsan Federaalka, halka Awdal State ay weli ku jirto marxaladda soo ifbixidda.

8. Haddii Itoobiya isku daydo inay gacanta ku dhigto dhul “laga bilaabo webi ilaa bad,” Masar waxay u diri doontaa ciidamo, taas oo abuuri karto dagaallo wakiillo ah oo gudaha Soomaali

Steve McNeld oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa soo dhigay sawir uu kula jiro xaaskiisai oo saaran naxashka maydka marki...
08/14/2025

Steve McNeld oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa soo dhigay sawir uu kula jiro xaaskiisai oo saaran naxashka maydka markii horana lacag darteed u guursaday, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay dhimashadeeda maadaama uu ka dhaxli doono lacag dhan 10milyan oo dollar.

Laakiin markii laga soo dhamaaday xabaasha, Steve waxa la yaabay ku noqotay in ay xaaskiisii wixii ay hanti lahayd oo dhan ugu deeqday hay'adaha samafalka, iyada oo uga tagtay warqad ay ku qoran tahay, "Eeygayga yar ee Steve waxa aan kaaga tagay bakooradaydii iyo daqam ah ilkahaygii aan gashan jirey, si aad uga faa'iidaysato markaad waynaato, waxaanad ka heli doontaa kabadhka yaala qolkayga, waxaaan kuu rajeynayaa in cagahaagu daalaan oo ilkahaagu daataan si aad si fiican uga faa'iideysato bakoorada iyo daqamka ilkaha ah, intaa aan kuu sheegay ka qaado guriga inta anay milkiilayaasha cusub ee iibsaday soo degin!!.

Horaa loo dhahay hanti naageed waraabe ka dhaartay😅😅

08/13/2025

Hargeysa — Ganacsade Sheegay Macaamiilkiisa Inay Yihiin Jinni

Nin ganacsade ah oo ka ganacsada isku sarrifka lacagaha ayaa shaaca ka qaaday in uu meheraddiisa furo habeenkii oo keliya, sababtuna tahay in macaamiilkiisa ugu badan ay yihiin jinni.

Ganacsadaha oo Arinka ka hadlaya , ayaa sheegay in uu waqtigaas doorto si uu ula shaqeeyo macaamiisha ka sarifta lacagaha xilliga habeenkii, kuwaas oo badankood u ku tilmaamay inay yihiin jinni u adeegta siyaabo kala duwan.

Isaga oo faahfaahin ka bixinaya, ganacsaduhu wuxuu sheegay in jinka ugu hantida badan magaalada Hargeysa lagu magacaabo Daysane, oo nin ah

wuxuu yiri marka uu isu ekeeysiiyo insiga wuxuu noqda nin madow oo dheer.

“Jinku ma jecla in la sheego arrimahooda, sidaas darteed faahfaahin kale ma bixinaayo,” ayuu yiri ganacsadaha, isaga oo ka gaabsaday in uu si buuxda uga hadlo xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay jinka

Sheekadan ayaa ka mid ah hadallo soo jiitay dareenka bulshada, oo ninkan sheegay
iyadoo dad badan ku kala aragti duwan yihiin xaqiiqada sheekooyin ka jinka ku saabsan iyo sidoo kale xiriirka jinniga iyo ganacsiga dadka.

08/13/2025

Nin iskaabulo ah ayaa gabar balansatay, waxeey ku tiri, “Beri waa ku kala kicinaa ee is diyaari galabti”.

“Duhurki ayay soo wacday balanti ha ilaawin” ayay ku tiri, saaxiibkaa waa is diyaariyay wuu wacay, wuxuu ku dhahay, “Soo bood qof yahay”. Ayadana taleefanka ayay dansatay, ilaa habeenki cishihii ayuu ku celcelinaayay.

Maalinti xigtay ayuu wacay asigoo is xanaajinaayo ayay ka qabatay, “naa maxaa beenti iigu sheegtay oo ii lugooysay” ayuu ku yiri.

Waxeey ugu jawaabtay, “Waxaan ahay walaashaa saaxiibteed, dhowr mar ayaan u raacay qolkaada marki ay soo hagaajineysi, wasaqle yahow dan kaama laheyne waxaan rabay walaashaa in aan tuso inaad qolkaada ku filan tahay ee hada ka dib qolkaada hagaajiso neef yahow”.

Gabdhaha Soomaalida waa maskiin naxariis badan, laakin iskaabulada waa wasaqleyaal aanan xishoon,

Waryaa qolkaada hagaajiso walaashaa haku dhibine marki aad macsi ku galeysaba waad hagaajisataaye.

Admin: NW

Xog rasmi ah oo aan helnay ayaan ku ogaanay hadalkii Mayorka Diridhaba uu ka jeediyay madashii Pp-da. Kulamadu waxay isk...
08/10/2025

Xog rasmi ah oo aan helnay ayaan ku ogaanay hadalkii Mayorka Diridhaba uu ka jeediyay madashii Pp-da. Kulamadu waxay iskugu jireen kuwo koox koox loo dooddayay iyo mar madasha guud uu Raysal Wasaaruhu joogay. Isagu madasha guud ayuu ka hadlay.
Wuxuu sheegay in Magaalada Mar-maarsa ee Shiniile hoostagta maamulkii 7 sanno kahor joogay ee Diridhaba ay ku darreen dhinaca Soomalida. Tallaabadas wuxuu ku sifeeyay middaan labada Deegan iyo shacabkaba lagalla tashan. Wuxuu tilmaamay inay go'aankas maamulkisu qaadaceen oo ay ka noqdeen.
Labada shacab wuxuu tilmaamay inay dad walaallo ah yihiin, balse Magaaladu maadama ay korayso dhulkaas uu kamid yahay Xayn-daabka Magaalada. Wuxuu Dowladda dhexe usoo jeediyay in Arrintaas lalla eego. Markale wuxuu xusay in mudo xileedkii Soomalida soo galayo oo ay tallada qaban doonan.

Hadalkaas Mayorka ma jirin maamul Soomalida ah oo jawaab ka bixiyay[Xubnaha xisbiga ee heer Federalka iyo kuwa Deeganka midnaba."

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Khadar khaliif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Khadar khaliif:

Share