17/09/2019
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waaxda kormeerka waxbarashada Magaalada Qaahira waxa ay kormeere wax barasho u dirtay iskuul ku yaala magaalada.
Intii uu waddada ku sii jiray ayaa gaarigii ka cilladoobay,isaga oo yaaban oo wax uu smeeyo garan la' ayaa waxaa soo maray wiil yar oo ku yiri " adeer maku caawiyaa "?
Kormeerihii baa ku yiri miyaad garaneysaa farsamada gawa6arida ..?
Yarkii ayaa ugu jawaabay haa oo aabahay ayaa Makaamik ah.?
Sidaasi ayuu ku billaabay in uu Koofanaha gaariga furo , kadibna xilladdii xalliyo.
Kormeerihii ayuu ku yiri kici gaariga...cilladdiina sidaasi ayuu kaga saaray gaariga.
Kormeerihii waxa uu ku yiri maxaad iskuulka u aadi weysay.?
Wiilkii baa ku jawaabay Macalinka ayaa isoo ceyriyay oo igu yiri dammiin aan waxba fahmeyn baad tahay , waxaana immaanaya Kormeere wax barasho ee maanta xaafadda iska joog.!!!!
Kormeerihii aad buu uga naxay ficilka aan wanaag saneen ee lagula kacay canugaas yar..
Waxaana soo baxday in fahamka Manhajka wax barasho kaliya aanaan lagu qiimeeyn kareeyn ardayda oo ay ku jiraan kuwo ku wanaagsan xirfado kale oo aad muhiim ugu ah aadanaha..
La wadaag asxaabtaada
Fadlan like saar page kaan