03/10/2025
Route2Health Folic Acid (400 mcg) waxa uu bixiyaa Quatrefolic, nooca ugu casrisan ee folic acid, oo si fiican jirka u nuugo. Waxaa loo isticmaalaa in lagu taageero korriinka iyo horumarka ilmaha caloosha ku jira, laguna yareeyo halista cilladaha xilliga dhalashada ilmaha ku imaan karta
Hadaba waxaa jira faaiidoyin badan oo laga helo folic Acid tab. Weli waxa talo ahaan loogu taliyaa iney qaadato hooyadu uurka ka hor ilaa iyo saddex bilood ee ugu h**eeya.
1. Ka hortag cilladaha maskaxda iyo dhabarka ilmaha.
- Folic Acid wuxuu ka hortagaa Neural Tube Defects (NTDs), sida Spina Bifida iyo Anencephaly, oo ah cillado halis ah oo ku dhaca maskaxda iyo lafta dhabarka ilmaha.
2. Ka hortagga dhiig-yarida (Anemia)
- Waxa uu gacan ka geystaa samaynta unugyada cas ee dhiigga (red blood cells), taas oo ka hortagta anemia – xaalad keenta daal iyo neef-qabad hooyada.
3. Kordhinta korriimada ilmaha caloosha ku jira.
- Folic Acid wuxuu muhiim u yahay unug-samaynta iyo kobaca DNA-ga ilmaha, taasoo kor u qaadda korriimada caafimaad leh.
4. Ka hortag dhalmo h**e (premature birth)
- Xaddiga saxda ah ee folic acid-ka wuxuu yarayn karaa khatarta ilmaha oo dhasha ka hor waqtigii loogu talagalay (preterm birth).
5. Ka hortag cilladaha wadnaha ilmaha:
- Waxaa la ogaaday in folic acid uu hoos u dhigo khatarta ilmaha oo leh cillado wadne dhalasho ah.
6. Caawinta dheefshiidka nafaqooyinka kale oo muhiim u ah hooyada uurkale..
- Folic Acid wuxuu ka qeyb qaataa sidii jirka hooyadu u nuugi lahaa fiitamiino iyo macdano kale oo muhiim u ah uurka.
7. Kordhinta tamarta hooyada.
-folic Acid wuxuu kor u qaadaa heerka tamarta hooyada isagoo la dagaallama daalka iyo daaalka ama tamaryaraanta.
8. Hagaajinta xuubka ilma-galeenka (uterine lining)
- Wuxuu caawiyaa kobcinta iyo ilaalinta xuubka ilma-galeenka si uu u noqdo deegaan wanaagsan oo ugu ku bislaaato ugxanta la bacrimiyey.
9. Ka hortag af-xiranka ilmaha (cleft lip/palate)
- Isticmaalka folic acid ka hor iyo inta lagu jiro bilaha h**e ee uurka wuxuu yareeyaa khatarta ilmaha oo leh af-xiran iyo xaaladaha kale ee ilma ku dhashaan.
10. Uur caafimaad qaba oo iyo hooyo caafimaad qabto.
- Folic acid wuxuu hooyada siiya jir caafimaad leh, oo ay ku gudbiso nafaqo ku filan ilmaha, taasoo sare u qaadda fursadda uur guuleysta.