05/03/2026
Somalia waxay yeelatay Dastuur cusub kadibna dhaqan galayo marka uu madaxweynaha saxiixo. Wax ka badalka dastuurka waxay ka mid tahay geedi socodka dowladnimo. Shaqada Golaha Shacabka ayaa ah dejinta ama wax ka badalka dastuurka. Ayaga ayaana awood u yeelan doono in waxna lagu daro, waxna laga badalo.
Hadaba, qolyihii reer Jubaland ee July 2024 taageeray gacan-taagii Kismayo ee loo adeegsaday baarlamaan 12-bilood sharciyada ka dhacsanayd, miyaa diidan dastuurkan federal-ka ee maanta meel-maray?
Gacan-taaga Kismaayo ee July 2024 waxaa lagu sheegay in sharciga la badalay si meesha looga saaro in xil-haynta Madaxeeynaha Jubaland la xaddido (si la mid ah tii Maduro.)
Ninka taa ku qancay, tanna diidan, waxay ka turjumeysaa siyaasad mala-awaal ku dhisan.
Waxaa qoray Dr Abdullahi ali Barre