
28/01/2025
Camalada ugu yaryar ayaa wax weyn beddeli karta.
Waxaan furnay Bilaley.com, oo aan rabno in aan ugu adeegno Soomaalida, gaar ahaan qurbo-joogta. Waa goob ganacsi oo aad ka heli doonto wax kasta oo aad u baahan tahay.
Waxaad rabtaan ayaan keenaynaa – nuuc kasta oo aad dooneysaan waa la heli doonaa.
Waxaan kaa codsanaynaa in aad sawirkan ka dhigato profile-kaaga si farriintayadu u faafto oo dad badani u maqlaan.
Haddii laguu duceeyo, Alle hakaa dhigo kuwa dalkooda iyo diintooda anfacaya.
Waatan fursadaadii ka faa’idayso, naga caawi halgankayaga.
Waxaan nahay dad Muslimiin ah oo u heellan qiyamka Islaamka, horumarinta bulshada, iyo horumarka dalkeena. Nagu taageer si aan u sii wadno dadaalka.
Sababta too ah - iib kasta oo adiga dartaa loo sameeyo ama aad adigu samayso waxa uu dhaqaaleynayaa saddex arrimood oo muhiim ah:
1. Horumarinta dhaqaalaha Soomaalida.
2. Shaqo abuur ay dadkeennu ka faa’iidaystaan.
3. Tarbiyadaynta iyo kor u qaadista wacyiga ummadeena.
Waxaad arkaysaa inaan wax kaa gadayno, ma nihin kuwa kugu leh lacagtaada bilaash ku bixi. Shaati aan kaa gadno qiimihiisuu wadanayaa—waxaad helaysaa badeecad qiimo leh, annaguna waxaan horumarinaynaa bulshadeena.
• Design gaar ah oo muujinaya Soomaalinimada.
• Wuxuu mideynayaa qalbiyadeena.
• Hal odhaahyo diidaya kala sooca iyo qabyaalada ayaan dul qoraynaa.
• Goobaha iyo magaalooyinka Soomaalida ayaa ku sawiran, si ay kuu baraan taariikhda iyo deegaanadeena.
• Garan kasta oo la iibsado wuxuu ka badbaadinayaa 10 qof inay maraan badda Liibiya.
Qof walba intii uu awoodo ha nagu caawiyo.
Haddii aad awooddo inaad iibsato, fadlan iibso. Haddii aadan hadda awoodin, fadlan share garee oo ka dhig profile-kaaga Bilaley.com si dadka kale ay u arkaan una taageeraan.
bilaley.com