Jaraa'id Tv

Jaraa'id Tv ๐‰๐š๐ซ๐š๐šโ€™๐ข๐ ๐“๐ฏ Waa Hal-abuur warbaahineed oo madax-bannaan.| ๐…๐จ๐ฅ๐ฅ๐จ๐ฐ ๐Ÿ๐จ๐ซ ๐ญ๐ซ๐ฎ๐ญ๐ก.

20/08/2025

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง:- ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐ฆ๐š ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ง๐ฌ๐š๐๐š๐ฒ ๐ข๐ง๐ฎ๐ฎ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐จ ๐ฆ๐š๐ซ๐š๐š๐ค๐ข๐ข๐›๐ญ๐š ๐ฌ๐ก๐ข๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฒ๐ž ๐ž๐ž ๐ฃ๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ๐ค๐š ๐›๐šโ€™๐š๐ง ๐ค๐ฎ ๐ก๐š๐ฒ๐š ๐›๐š๐๐š๐ก๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐?

Puntland waxaa ay xilligan maraysaa xaalad aad u adag oo ay bulshada deegaanku ku tilmaamayaan quus, rajo-xumo iyo dowlad laโ€™aan. Dadkii ku tiirsan xeebaha ayaa si weyn uga cabanaya jariif sharci darro ah oo si xad-dhaaf ah loogu hayo badaha, iyagana laga hor istaagay inay si xor ah uga kalluumaystaan baddooda.

Hadal uu jeediyey hoggaamiyaha Puntland, Siciid Deni, ayaa si weyn u kiciyey dareenka bulshada. Deni ayaa ku dhawaaqay in badda Puntland la xirayo ilaa iyo 1-da Janaayo 2026. Goโ€™aankan waxa uu yimid xilli ay tahay waqtigii ugu faaโ€™iidada badnaa ee kalluumaysatada maxalliga ahi ay ka heli jireen nolol maalmeedkooda iyo wax-soo-saarkooda ugu sarreeya ee sanadka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid si toos ah fursad ugu abuuraysa maraakiibta shisheeye ee jariifka ku haya badaha Puntland, taas oo siinaysa waqti dheer oo ay si habsami leh ugu sii wataan howlahooda, iyagoo ka madax bannaan tartan ama cadaadis kaga iman lahaa kalluumaysatada maxalliga ah. Sida ay qabaan khubaro iyo falanqeeyayaal arrimaha dhaqaalaha badda, tani waa dhacdo aan caadi ahayn, waayo waa markii ugu horreysay dunida oo dadkii badda lahaa laga xiro, isla markaana loo furo shirkado iyo maraakiib ajaanib ah.

Arrintani waxa ay astaan u tahay heerka ugu sarreeya ee musuqmaasuq iyo ku tagri-fal awoodeed, iyada oo bulshada Puntland dareemayso in hoggaankooda uu si ula kac ah u wiiqayo awooddooda dhaqaale, una muuqda mid u adeegaya dano shisheeye.

Hoggaamiyaha Puntland, oo h**eyba loogu eedeeyey in uu si xad-dhaaf ah ugu takri-falay kheyraadka dabiiciga ah iyo hantida guud, ayaa mar kale u muuqda mid goโ€™aansaday in uu bulshada ku khasbo gaajo iyo dhibaato nololeed, si uu u adkeysto kursiga iyo xukunka. Dadka deegaanku waxay u arkeen xaaladaan mid adag oo laba doorasho ah; 1) in ay raacaan siyaasadda uu hoggaamiyuhu ku hagayo, 2) in ay ka qaxaan deegaanadooda nololna u raadsadaan meelo kale!

Goโ€™aanka lagu xiray badda xilligii ugu wanaagsan, waxaa uu tusaale cad u yahay siyaasadda Deni ee aan ku dhisnayn ilaalinta danta bulshada, balse u muuqata mid u adeegaysa dantiisa gaarka ah, waana tallaabo halis ku ah amniga bulshada, dhaqaalaha deegaanka, iyo sumcadda maamulka Puntland.

 : Mid kamida Ehelada Deni, oo ladhashay Agaasimaha PMPF Cabdirabi, ayaa lagu xiray Adis ababa, sababta xarigiisa ayaa l...
18/08/2025

: Mid kamida Ehelada Deni, oo ladhashay Agaasimaha PMPF Cabdirabi, ayaa lagu xiray Adis ababa, sababta xarigiisa ayaa lagu sheegay inuu diyaaradda Ethiopia Arline uu la raacay Booskaalad, dhacdadaan ayaa dhacday Axadii oo diyaaradda Itoobiya ay lahayd Duulimaadkeedii Boosaaso iyo Adis ababa.

18/08/2025

Boosaaso oo uu ๐ƒ๐ž๐ง๐ข xukumo waa $๐ŸŽ.๐Ÿ•๐Ÿ— halka Berbera oo ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐œ๐ข๐ซ๐จ xukumana hallii KW yahay $๐ŸŽ.๐Ÿ

Deni iyo Ciro farqiga u dhaxeeya waa in midna dadkiisii si daacadnimo ku jirto uu u gaarsiiyey wixii loogu deeqay, midna u leexsaday wixii dunidu ugu deeqday.

Guutada 2aad ee PMPF oo uu taliye ahaa AHU Cor. Mohamuud Jaamac (Leexo) h**eyna u ahaan jiray (PSF) ayaa soo galay Boosa...
14/08/2025

Guutada 2aad ee PMPF oo uu taliye ahaa AHU Cor. Mohamuud Jaamac (Leexo) h**eyna u ahaan jiray (PSF) ayaa soo galay Boosaaso, kaddib markii ay dowladdu ka reebtay mushaar laba bilood ah oo ay qaateen ciidamaddu marka laga reebo guuto 2aad.

14/08/2025

200 oo gaadiidka xamuulka qaada ah ayaa sadex cisho ciidamo ka cabanaya xuquuq laโ€™aan ay ku haystack Degmadda Xarfo. Puntland waa markii ugu horreysay oo xukuumad awooda xuquuqda ciidamada aysan hadana siin ilaa ay gadood sameeyaan.

Warbixin kooban:- ๐’๐ข๐๐š ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ฎ ๐›๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Bishii Agoosto 2023, Siciid Deni ayaa iibsaday Su...
14/08/2025

Warbixin kooban:- ๐’๐ข๐๐š ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ฎ ๐›๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ง ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐.

Bishii Agoosto 2023, Siciid Deni ayaa iibsaday Suuqii Kaluunka ee Boosaaso, oo h**ey loogu maalgeliyay $1 milyan oo dollar oo ay bixisay Dowladda Japan xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Suuqaasi oo muhiim u ahaa ganacsatada iyo kalluumaysatada magaalada, Siciid ayaa ku iibiyey isagoo u xaglinaya mid kamida eheladiisa $800,000, taas oo dhalisay dood iyo dhaleeceyn ku saabsan sida hantida dadweynaha uu u boobayo Siciid

Dhanka kale, Deni ayaa la xaqiijiyey in uu leexsaday mashruucii tamarta qoraxda (Solar Project) kaas oo Imaaraadku ugu talagaleen in lagu yareeyo qiimaha korontada Boosaaso. Halkii mashruuca loogu adeegi lahaa danaha bulshada, waxaa uu hoggaamiyuhu goostay in uu kala shirkoobo shirkadihii gacanta ku hayay korontada magaalada, taas oo keentay in qiimaha korontadu halkii uu ka yaraan lahaa, uu si joogto ah u kordho.

Arrimahan ayaa sare u qaaday suโ€™aalaha ku saabsan hufnaanta laโ€™aanta maamulka iyo boobka hantida dadweynaha ee Siciid Deni u noqday caadadda.

Puntland, 4-sano kadib ciidamadu waxaa ay la'yihiin $70-koodii. Waxaana joogto noqotay ciidamada dhaawac ah iyo kuwa how...
12/08/2025

Puntland, 4-sano kadib ciidamadu waxaa ay la'yihiin $70-koodii. Waxaana joogto noqotay ciidamada dhaawac ah iyo kuwa howl-gallada ku jiraba in ay tirsanayaan xuquuq la'aan mudo dheer.

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Jaaliyadda Puntland, Osmaan Ilgiir  iyo xubno kale oo katirsan dalladda dhalinyarada a...
08/08/2025

Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Jaaliyadda Puntland, Osmaan Ilgiir iyo xubno kale oo katirsan dalladda dhalinyarada ayaa maanta ka qaybgalay shirka African Trade Export, kaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga Afrika, horumarinta suuq-geynta badeecadaha, iyo dhiirigelinta ganacsatada dhalinyarada ah. Ka qaybgalka heyโ€™adaha jaaliyaddu wuxuu muujinayaa dadaalka lagu taageerayo koboca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo-abuurka.

๐Ÿ๐ŸŽ ๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ขโ€™ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐š๐ก ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ค๐š: waxaa maqaalkaan qorey ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ค๐š๐๐ข๐ซ ๐Œ. ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐žMABAADI'DA DOWALAD DHISKA S...
08/08/2025

๐Ÿ๐ŸŽ ๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ขโ€™ ๐จ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐š๐ก ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ค๐š: waxaa maqaalkaan qorey ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ข ๐€๐›๐๐ข๐ค๐š๐๐ข๐ซ ๐Œ. ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž

MABAADI'DA DOWALAD DHISKA
STATE BUILDING PRINCIPLES
______________________________________________

Mabaadiโ€™da Dhismaha Dawladnimada waxay tixraacaan fikradaha iyo dhaqamada aasaasiga ah ee hagaya abuurista, adkaynta, iyo shaqaynta waxtarka leh ee dawlad. Mabaadiโ€™dan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dalalka jilicsan, kuwa ka soo baxay colaado ama ku dhawaaqay madax-bannaani cusub. Waa kuwan mabaadiโ€™da muhiimka ah ee dhismaha dawladnimada:

1. Sharciyad (Legitimacy)
โ€ข Dawladdu waa in ay dadka u arkaan mid sharci ah.
โ€ข Sharciyaddu waxay ka imaan kartaa doorashooyin, xukunka sharciga, dhaqan, ama waxqabadka adeegyada.
โ€ข Nidaamyo siyaasadeed oo dadka lagu wada daro, ixtiraamka xuquuqda, iyo hoggaan mas'uul ah ayaa dhisaya sharciyadda.

2. Xukunka Sharciga (Rule of Law)
โ€ข Sharcigu waa inuu si siman u khuseeyaa dhammaan muwaadiniinta, oo ay ku jiraan madaxda.
โ€ข Nidaamyada sharciga waa inay ilaaliyaan xuquuqda, xaqiijiyaan caddaaladda, una adeegaan xallinta khilaafaadka si caddaalad ah.
โ€ข Hayโ€™ado garsoor oo xooggan ayaa lama huraan u ah xukunka sharciga.

3. Hayโ€™adaha Waxtarka Leh (Effective Institutions)
โ€ข Hayโ€™adaha shaqaynaya (tusaale: booliska, maxk**adaha, shaqaalaha rayidka) waa laf-dhabarta dawlad adag.
โ€ข Hayโ€™aduhu waa inay noqdaan kuwo xirfad leh, hufan, kana qayb qaata bixinta adeegyada aasaasiga ah.

4. Xaqa Keliya ee Isticmaalka Awoodda (Monopoly on the Use of Force)
โ€ข Dawladdu waa inay awood buuxda u leedahay ciidamada amniga (milatari, boolis).
โ€ข Wax kooxo hubaysan ah k**a shaqayn karaan meel ka baxsan xukunka dawladda.
โ€ข Sugidda amniga dadweynaha waa waajib aasaasi u ah dawladnimada.

5. Ka-qaybgal Siyaasadeed iyo Ka-mid-noqosho (Political Inclusion and Participation)
โ€ข Muwaadiniintu waa inay fursad u helaan inay ka qayb qaataan maamulidda dalka.
โ€ข Siyaasad dadku ku wada jiraan waxay ka hortagtaa takoor iyo khilaaf.
โ€ข Doorashooyin xor ah oo caddaalad ah, firfircoonida bulshada, iyo kala duwanaanta siyaasadeed waa muhiim.

6. Dhismaha Qaranimada iyo Aqoonsiga Wadajirka ah (Nation-building and Identity)
โ€ข Aqoonsi qaran oo la wadaago ayaa mideeya dad kala duwan.
โ€ข Ixtiraamka kala duwanaanta qoomiyadeed, diimeed, iyo dhaqan ayaa muhiim ah.
โ€ข Dhismaha qarannimada wuxuu abuuraa daacadnimo loo qabo dawladnimada halkii laga ahaan lahaa koox qabiil, gobol, ama mad-hab.

7. Bixinta Adeegyada (Service Delivery)
โ€ข Dawladdu waa inay siiso bulshada adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, daryeelka caafimaadka, biyaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
โ€ข Adeegyo hufan oo la helo waxay kordhiyaan kalsoonida dadweynaha, waxayna yareeyaan saboolnimada.

8. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maareynta Kheyraadka (Economic Development and Resource Management)

โ€ข Deganaanshaha dhaqaale waa mid lama huraan u ah jiritaanka iyo sharciyadda dawlad.
โ€ข Qaybinta cadaaladda ah ee kheyraadka iyo maalgelinta nolol-maalmeedka waxay yareeyaan sinnaan laโ€™aanta iyo khilaafka.

9. Isla Xisaabtan iyo Hufnaan (Accountability and Transparency)
โ€ข Hoggaamiyeyaasha waa inay dadkooda uga jawaabaan waxqabadkooda iyada oo loo marayo hayโ€™ado sida baarlamaanka, warbaahinta, iyo maxk**adaha.
โ€ข La dagaalanka musuqmaasuqa iyo kor u qaadidda daahfurnaanta maamulka waxay dhisaan kalsoonida shacabka.

10. Xalinta Khilaafaadka iyo Dhisidda Nabadda (Conflict Resolution and Peacebuilding)
โ€ข Dawladdu waa inay wax ka qabataa cabashooyinkii h**e iyo dib u heshiisiinta bulshooyinka kala irdhoobay.
โ€ข Heshiisyada nabadda, caddaaladda kala guurka, iyo run sheegidda waa agab muhiim ah oo lagu gaadho nabad waarta.

Intaas marka labarbardhigo dowladnimada Soomaaliya ee aynu raadineyno maxaa kaqabsoomay maxaase qabyo ah 26 sano kadib dib u yagleelidii dowladnimada Soomaaliya?

Abdikadir M. Warsame Abdikadir Warsame

Madaxweynaha Somalia ayaa Lataliyaha amniga qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf kadib iscasilaadii Xuseen ma...
06/08/2025

Madaxweynaha Somalia ayaa Lataliyaha amniga qaranka u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf kadib iscasilaadii Xuseen macalin.

Fidel Castro & Mengistu Haile Mariam โ€“ Isbahaysigii Dagaalkii 1977Sawirkan waxaa ka muuqda laba hoggaamiye ee Fidel Cast...
05/08/2025

Fidel Castro & Mengistu Haile Mariam โ€“ Isbahaysigii Dagaalkii 1977

Sawirkan waxaa ka muuqda laba hoggaamiye ee Fidel Castro, madaxweynihii h**e ee Cuba, iyo Mengistu Haile Mariam, madaxweynihii h**e ee Itoobiya.

Markii Soomaaliya guulo waaweyn ka gaartay dagaalkii 1977, Cuba waxay u dirtay Itoobiya in ka badan 20,000 oo askari si ay uga garab dagaalamaan ciidanka Itoobiya, oo ilaa caasimadooda la qabsan-gaaray.

Xuska sanadle ah ayey Itoobiya qabataa, waxaana ay ugu magacdartay โ€œGuushii Karamardhaโ€ waxaana si joogto ah uga qeybgala saraakiil Cuban ah.

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง; ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐š๐›๐ค๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐ข๐๐š๐š๐ฒ๐ž๐ฒSiciid Deni ayaa ugu dambeyn ka laabtay damaciisii ku saabsanaa haysasha...
04/08/2025

๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง; ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐จ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ค๐š๐›๐ค๐ข๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข๐ข๐๐š๐š๐ฒ๐ž๐ฒ

Siciid Deni ayaa ugu dambeyn ka laabtay damaciisii ku saabsanaa haysashada markabkii hubka siday ee laga lahaa xerada Turkisom ee Muqdisho, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland State House, Puntland ayaana markabkii iyo saanadii uu wadayba si nabad ah u wareejisay.

Arrintan ayaa timid kadib markii Boosaaso ay booqasho ku tageen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper AktaลŸ, iyo diblomaasiyiin kale oo Turki ah, kuwaas oo goor-dhawayd dib ugu laabtay Muqdisho, taasoo muujinaysa in loo quus-gooyey, dibna uu ka saxay Deni falkii dadku kawada argagaxeen ee qabsashada saanad iyo gaadiid ciidan oo loogu talagalay ciidamada qaran soomaaliya.

Address

Global Steet
Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jaraa'id Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category