Abukar Keynaan

Abukar Keynaan XOG IYO XAQIIQ KALA SOCO HALKAAN

15/11/2025

Farmaajo iyo Xasan yaa kula Saxan ?

13/11/2025

Maxaa ku qarsoon safarka Farmaajo ee Muqdisho ? – Xog sir ah oo soo baxday

🚨Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka u Duceynaya 👇
12/11/2025

🚨Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dalka u Duceynaya 👇

12/11/2025

Farmaajo Oo Kusoo Laabanaya Muqdisho iyo Xasan Sheekh Oo Tallaabo Lama Filaan Ah Qaaday !

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu berri oo Khamiis ah soo gaaro magaa...
12/11/2025

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu berri oo Khamiis ah soo gaaro magaalada Muqdisho, kaddib safar uu ku joogay dalka Turkiga halkaas oo uu kulamo siyaasadeed ku yeeshay.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka bilaabo kulamo siyaasadeed oo la xiriira xaaladda dalka iyo ololihiisa siyaasadeed.

Warar hoose ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka fiirsanayo magacaabista guddi wasiiro ah oo qaabilsan soo dhaweynta Farmaajo — arrin xusuusinaysa sida uu Farmaajo h**e guddi ugu saaray soo dhaweyntii Xasan Sheekh sanadkii 2022.

Ilaa hadda xafiska Farmaajo k**a soo bixin war rasmi ah oo xaqiijinaya safarkiisa.

Laanta Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in aan lagu soo geli karin deegaanadeeda fiisah...
10/11/2025

Laanta Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in aan lagu soo geli karin deegaanadeeda fiisaha ay bixiso dowladda Federaalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ay soo saartay hay’addu, iyadoo tixraacaysa qodobka sharciga ee tirsigiisu yahay 109/2025, ayaa lagu caddeeyay in dukumentiyada socdaalka ee ay bixisay Soomaaliya aan laga aqbalayn xuduudaha Somaliland, islamarkaana dadka wata laga diidi doono soo gelitaanka.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in muwaadiniinta ajaanibta ah ee socdaalaya ay fiisaha ku heli karaan garoomada Hargeysa iyo Berbera.

10/11/2025

Muuqaalka Safarka Aljeeriya ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Guddiyo farsamo oo ka socday Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay shir uga...
10/11/2025

Guddiyo farsamo oo ka socday Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Nairobi, iyagoo ka wadahadlay qaab-dhismeedka cusub ee golaha siyaasadeed ee h**ey looga dhawaaqay.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu isku raaceen qaabka iyo hoggaanka golahan, kaas oo lagu wado in si rasmi ah loogu dhawaaqo magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah, shirkii Nairobi wuxuu ahaa mid go’aanno muhiim ah lagu gaaray, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda lagu qabto shirkii k**a dambeysta ahaa ee jiheyn doona mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka AljeeriyaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ...
10/11/2025

WAR DEG-DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Abidjan ee dalka Aljeeriya, isagoo halkaas ku tegaya booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin:
• Wasiirka Difaaca,
• Wasiirka Macdanta iyo Batroolka,
• Wasiirka Xanaanada Xoolaha,
• iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdisalaan Cali Dhaay.

Booqashadan ayaa lagu wadaa in lagu kala saxiixdo heshiisyo cusub oo la xiriira iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, iyo ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

09/11/2025

🚨 Madaxweyne H**e Sheekh Shariif oo ka hadlay Dagaalka Qabiil ee ka socda Shabeellaha Hoose

09/11/2025

Siyaasiyiinta Muqdisho oo Beec ah, Dhaqaale Xumo, Culeyska Xasan Sheekh & Fursada Saciid Deni

Address

41plane Street Silversand
Gardens
7580

Telephone

+252618722419

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abukar Keynaan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abukar Keynaan:

Share