Bellsom media

Bellsom media Warbaahin Madax Banaan oo Bullshada u adeegto

15/07/2024
10/02/2023

Sheikh Suldaan Cabdiqani Qorane oo si adag uga hadlay Xasuuqa shacabka Laascaanood,

Khudbadii Jimcaha ee Mesjidka Isbaheysiga.

Madaxweynaha Somalia 2022-2026 Guul iyo gobanimo insha allah.
14/05/2022

Madaxweynaha Somalia 2022-2026 Guul iyo gobanimo insha allah.

Madaxweynaha Puntland ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay G...
10/05/2022

Madaxweynaha Puntland ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Gudoomiyihii h**e ee Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed).

Madaxweynaha Soo socda ee 10-aad  JF Soomaaliya  Dr Said Abdullahi Deni oo hada Qaatay Shahaadadii.
10/05/2022

Madaxweynaha Soo socda ee 10-aad JF Soomaaliya Dr Said Abdullahi Deni oo hada Qaatay Shahaadadii.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Ardada Iskoolka Public sacondary kala qeyb-galay X...
12/10/2021

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Ardada Iskoolka Public sacondary kala qeyb-galay Xuska munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar.

Taliyaha ayaa aradada uga shekeeyay Halgankii Calankaan laga soo maray isagoona maamulka iskoolka iyo macalimiinta ku dhiirigaliyay in ardada marwalba lagu dhiirigaliyo Wadaniyada iyo Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Puntland."

Taliyaha Qeybta Booliska ayaa Ardadaan ku adkeeyay in amniga ay kala shaqeyaan Lamaha kala duwan ee ciidamada Dowlada Puntland kuwaas oo marwalba ku jira xaqiijinta amaanka isagoona uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin ciidamadooda si kor loogu qaado wada shaqeynta Booliska Iyo Bulshada magaalada Bosaaso.

11/10/2021

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowlada Puntland ayaa daah furay Shir looga hadlayo xoojinta xiriirka wada shaqaynayd ee Wasaaradaha Arimaha gudaha ee DFS, dowladaha xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa soconaya mudo laba bari ah waxaana looga hadlaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka wadashaqyanayd ee wasaaradaha arimaha gudaha Dowladaha xubnaha ka ah dhexe, DFS iyo gobolka banaadir.

Sawirro:-Ciidamada difaaca Dowladda Puntland oo tababarka loogu sooxiray Dugsiga janeral Carays ee deegaanka Godod dhool...
30/09/2021

Sawirro:-Ciidamada difaaca Dowladda Puntland oo tababarka loogu sooxiray Dugsiga janeral Carays ee deegaanka Godod dhoolatus ku sameeyey gudaha Magaladda Gaalkacyo.

Garoowe: 20 september 2021: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dh...
20/09/2021

Garoowe: 20 september 2021: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.

Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

Garacad: 10 Sep 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaa...
10/09/2021

Garacad: 10 Sep 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Garacad.

=DHAMMAAD=

Address

Cape Town

Telephone

+27813883999

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bellsom media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share