Horumar Iyo Howlgal P&O

Horumar Iyo Howlgal P&O SOOMAALIYADA CUSUB
HILAADDA SOOMAALIYEED
IFTIIN SOOMAALIYEED

28/08/2024

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijka AS oo ka socda deegaanno hoos yimaad dagmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

28/08/2024

Hantidhowraha Guud ee JFS Abukaate Guutaale “Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowlada labada shirkadood ee kala ah Favori LLC iyo Albayrak midoodna lama wadaagin Warbixinadooda Maaliyaddeed oo soo maray baaris Hantidhowr madaxbanaan si loo cadeeyo dhab ahaan cadadka saamiga lacageed Dowlada Federalka Soomaaliyeed yeelanayso.”

28/08/2024

Shirka dib-u-eegista Hindise sharciyeedka badqabka iyo ilaalinta xuquuqda carruurta dalalka ku bahoobay IGAD oo lagu soo gabogabeeyey Muqdisho.

28/08/2024

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay.

28/08/2024

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Maxamed Xuseen Cumar “Khawaarijta cidkasta oo iyaga ku fikir ahayn dil ayay ugu xukuman tahay waa in aad u diyaar garwodaan dagaalka Khawaarijta.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud...
28/08/2024

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ahna kusimaha Wasiirka, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Mudane Faysal Maxamed Xaashi ayaa maanta shir muhiim ah Xarunta Wasaaradda Maaliyadda waxa ay kula qaateen Maamulayaasha iyo Agaasimeyaasha Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida canshuurta gadista ay u saameysay adeegyada caafimad ee ay bixiyaan Isbitaalada magaalada iyo in Dowladda ay siiso tixgalin gaar ah xarumaha caafimadka si lamid ah wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Africa.

Masuuliyiintii Wasaaradda Maaliyadda ee kulanka goobjooga ka ahaa ayaa dhankooda balan qaaday in ay howshan si cilmiyeysan u eegayaan, iyada oo la siinayo bahda caafimaadka tixgalinta ay mudanyihiin, kulankuna waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad.

28/08/2024

Hantidhowraha Guud ee JFS oo Maanta Qabtay Shir jaraa’id ayaa dadweynaha Soomaaliyeed la wadaagay Warbixin Baariseedka Sannadlaha ah ee Xafiiska Hantidhowrka guud.

28/08/2024

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inuu dib u dayactir ku sameynayo xabsiga Dhexe ee Xamar.

27/08/2024

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay goorta uu dalka imaanayo Markabka Turkiga ee sahminaya Shidaalka iyo in Soomaaliya ay ku biireyso hay'adda caalamiga ah ee maareysa arrimaha Nukleyr Adduunka ee IAEA.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayah...
27/08/2024

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhaxe ee Xamar.

Ujeedka booqashadan ayaa aheyd mid ay mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga dhaxe iyo sidii ay ugu jawaabi lahaayeen baahiya kala duwan ee taagan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka jawaabi doono baahiyaha kajira Xabsiga maadaama ay ku xiran yihiin in ku dhow Laba Kun oo Maxaabiis ah.

27/08/2024

Guddoomiye Yabooh oo maanta booqday Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu kaalin ka qaada doono buuxinta baahiyaha ka jira Xabsiga.

27/08/2024

Wasiir Rooboow “Ciidamada Xaafidul Qur’aanka ah waxaa hubaal ah inay si wanaagsan ula dhaqmaan.

Address

Voortrekker
Cape Town
203

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horumar Iyo Howlgal P&O posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share