11/03/2025
Sida Loo Maamulo nafaqada ciida ( fertilization management )
Inaad si fiican oo hufan u maarayso nafaqada beertaada waa arin wanaagsan oo kor uqaadaysa waxa Soo saarka dalagaaga.
Maareynta nafaqooyinku waxa ay ku xidhantahay nooca carrada aad haysato iyo nooca dalaga aad beerayso.
waxaan kula wadaagaya talooyin dhawr ah.
ka hor inta aadan waxba beerin samee talaabooyinkan hoos ku xusan.
1. Soil testing ( baadhitaanka carrada )
Ka hor inta aadan nafaqaynin, samee baaritaan carrada si loo ogaado nooca carrada iyo nafaqooyinka ay u baahan tahay.
2. Choosing right fertilization ( xulashada nafaqooyin sax ah ) inkasta oo ay ku xidhantahay nooca dalaga aad haysato balse waa inaad doorataa nafaqooyin ku haboon dalagaga, idigoo isticmaalaya nafaqooyinka dabeeciga ah iyo kuwa aan dabeeci ahayn.
✅Bacriminta dabiiciga ah ( organic fertilization ) sidda digada xoolaha, ama compost.
✅Bacriminta kiimikada ( chemical fertilization ) (sidda NPK, iwm.
3.fertilizations application rate ( qiyaasta nafaqooyinka ) taasi waxay ku xidhantahay dhulka aad beeraysaa inta uu leegyahay iyo dalaga aad ka beerayso tusaale ahaan waxaad haysataa dhul ah, 1 hecter nooca dalaga aad beeraysana waa qamadi ama galley ama hadhuudh, Celcelis ahaan, waxaad u baahan kartaa qiyaas ahaan, nafaqooyinkan hoose.
✅Nitrogen (N): 100-150 kg/ha
✅Phosphorus (P): 50-80 kg/ha
✅Potassium (K): 40-70 kg/ha
Waqtiga La isticmalayo nafaqada (Timing fertilization) nafaqada waxa la isticmaala laba jeer Marka la diyaarinayo dhulka iyo xiliga seedlingka ee geedku korayo.
✅Before planting (Ka hor beerista) inta aadan beerin ciida waxa mihiim ah in aad nafaqayso carrada adiga oo isticmaalaya qiyaas ku haboon.
✅Duration crop growth (Inta lagu jiro koritaanka) Marka dalagu korayo waa mihiim inaad isticmaasho nafaqooyin kala duwan adiga oo u adeegsanaya qiyaas ku haboon dalagaaga.
Kusoo biir Saac Agriculture wixii talo iyo tusaale ah noo reeb oo Nala Soo xidhiidh dhiiri galintintaadu waa mihiim walal. Waxaan u taaganahay kor u qaadista wax Soo saarka beeraha yaryar iyo baraarujinta beerashada dalaga.
✍️ Saac Agriculture
Tell: +253634765219
Farmers consultency