27/10/2024
๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐ผ๐ผ ๐
๐ถ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ท๐ถ๐๐ฎ๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐.
Muqdisho, Oktoobar 27, 2024: โ Raโiisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeyta, Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii h**e Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xuluumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.
Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii h**e oo hadda noqday Raโiisul Wasaare ku xigeenka labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.
marka cadeey tv