17/01/2026
XOG : JILIB MARKA.
Waxaan helay, arkay, xogta iyo mapka Dowladda Turkeyga ay doonayso in ay aag xiran kaga samaysato deegaanka Jilib Marka, waana heshiis ay DFS saxiixiisa ka heshay.
Mapka aan helay waxa ku cad in goob u samaysan afar-gees (Square) oo bartanka Jilib Marka ah oo ay Turkidu doonayaan in ay ka dhisaan dhismo darbi ka samaysan oo afar-gees ah.
Badka dhulka ay doonayaan in ay Turkidu xirato waa 15km Bari, 15km Waqooyi, 15km Galbeed iyo Koonfur oo 15km ah. Iskugeyn waa 30 to 30KM oo bad siman oo square ah oo marka ugu h**eyso la doonayo in silig lagu wareejiyo, haddii damacu mid socon kara loo arkana loo bedelo dhisme darbi ah shub ah iyo dhagxaan ka samaysan.
Si loo marin habaabiyo dadka ay diidmada ka imaan karto ee leh deegaanka Jilb Marka waxaa heshiiska lagu daray in suuqa la galiyo in dhulka xeyndaabka lagu wareejin doono uu yahay xero ciidan ama warshad sibirka samayn doonta, si aysan dadka kacdoon u samaynin, balse xaqiiqda dhabta ah waxa ay tahay in goobta la beegsan doono ee darbiga lagu wareejin doono la ogaaday in 80% ay ku duugantahay saliidda ceyriinka ah, halka qayb kale la tuhunsanyahay in ay ku jiraan maadooyin qaali ah sida maadooyinka Lithium oo batariyada laga sameeyo, sidoo kale biraha qaaliga ah (Precious Metals), dhagaxyada qaaliga ah (Gemstones), sida Ruby (Dhagaxa cas), Emerald (Dhagaxa cagaaran), iyo Sapphire (Dhagaxa buluugga ah).
Dhawaan DFS waxa ay G/Shabeellaha Hoose u magacawday sarkaal la sheegay in uu deegaanada gobolka ka xoreyn doono Khawaarijta, balse markii uu gobolka tagay waxa uu dadka deegaanka ka codsaday in ay deegaanada ay kooxdu haysato ay u xoreyaan, maadaama uusan isagu deegaanka kasoo jeedin, islamarkaana aanu aqoon u lahayn qariidada gobolka, waxa ay ugu dambayn sarkaalkaasi iyo ciidankiisa ku noqdeen Muqdisho, iyada oo dadka deegaanka oo ay horkacayaan ciidanka deegaanka ee mootooleyda ay xureeyaan dhulal badan oo gobolka ah oo ay kamid tahay deegaanka Jilib Marka, iyaga oo fuustooyin walxaha qarxa ah ay kasoo faageen dhulkii ay kooxda ka bixiyeen.
Dadka deegaanka oo aad u baraarugsan ayaa hadda wada damac ay ku diidanyhiin in Turkidu ay dhulkooda sifo sharci darro ah kusoo gaaraan, balse heshiis iyo wadahadal ay macquul noqon karto, halka DFS ay isku dayayso in ay ka talaabsato dadka deegaanadaasi kasoo jeeda oo ay doonayso in ciidan DFS si iskeed usoo xulatay ay goobahaasi si awood leh ku maamulaan, balse qorshahaasi uma eka mid shaqayn doona.
Turkidu waxay hadda dib u eegayaan heshiiska ay DFS la galeen, iyaga oo sheegaya in aysan macquul ahayn in tallaabo la qaado iyada oo aan lala tashan dadka deegaanka iyo ciidanka deegaanka, balse DFS oo waqti dheeri dalbatay ayaan taas ogolayn.
Maalin kahor waxaa isbedel lagu sameeyay maamulka Magaalada Marka, waxaa la aaminsanyahay in isbedelka maamul ee dhacay uu Villa Somalia toos ugu yimid, balse maamulka KGS lasoo dhex maray, halka dadka arimaha Gobolka falanqeeya ay sheegayaan in isbedel walba oo la sameeyo aysan suurtagal ahayn in la’aanta dadka deegaanka iyo raalli ahaanshahooda aysan waxba qabsoomi doonin.
Haddii aan xog dheeri ah helo ila soco.
XIGAAHO : Abdirashid Mohamed