08/08/2025
Xildhibaan Hon Sanyare Nuur , oo laga soo doorto magaalada Gaalkacyo ee Puntland, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah Xukuumadda Dan Qaran. Sida uu sheegay, mooshinka waxaa h**ey u saxiixay 120 xildhibaan, halka uu sheegay in ay weli ka sugayaan 20 xildhibaan si loo buuxiyo tiradii loo baahnaa si mooshinku u gudagalo si rasmi ah.
Sanyare ayaa hadalkiisa ku muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo in xukuumaddu waajahdo culeys siyaasadeed oo horseedi kara in la kala diro. Waxa uu si cad u sheegay in Sabtida, marka uu furmo fadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay mooshinka u gudbin doonaan si Baarlamaanku uga doodo kalsoonida xukuumadda.
Qodobkan siyaasadeed wuxuu muujinayaa mugdi iyo khilaaf sii xoogeystay oo u dhexeeya xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xukuumadda Dan Qaran. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid u gogol xaaraysa isbedel cusub oo siyaasadeed, iyadoo su'aalo laga keenayo waxqabadka xukuumadda, daahfurnaanta hannaanka maamulkeeda, iyo sida ay uga jawaabto baahiyaha shacabka.
Hadalka xildhibaan Sanyare ee ahaa "aniga ha ila soo xiririn," ayaa u muuqda mid xambaarsan dareen siyaasadeed oo ah inuu u taagan yahay mowqif adag, isagoo si cad uga digaya in cadaadis la saaro ama laga leexiyo mowqifkiisa siyaasadeed. Waxa uu u muuqdaa siyaasi matala dano gaar ah oo bulshada uu kasoo jeedo iyo kuwa kale oo la daala-dhacaya rajada isbedel.
Haddaba, waxaa la isweydiinayaa:
Mooshinkan ma noqon doonaa mid hirgala?
Xildhibaanada kale ee weli la sugaayo ma saxiixi doonaan?
Sidee bay xukuumaddu uga falcelin doontaa?