17/07/2025
Buugga Xuseen Nuur, waxa uu ka kooban-yahay laba qaybood. Qaybta 1aad, waa 446.5 bog; qaybta 2aad na, waa 538 bog. Isugayn, waxa uu ka kooban yahay 984 bog iyo badh (ku dhawaad 1,000 bog).
Buuggaa barigii aad loo wad-waday ayaan akhriyay, waliba akhris taxadar leh. Haba yaraatee wax deel-qaafa oo ama Dr. Doolaal – AUN – ama cid kale gaar u khusaysaa kuma arag. Kaydkii xusuus-qorkiisa ayuu Xuseen buugga kusoo ururiyay. Wixii kaydkaa ku jirayna cidna ugama tudhin — xitaa naftiisa (akhri qisada isaga iyo N/hure Heersare, Q/1aad, bogga 75 - 85).
Sidaa daraadeed, wixii buuggaa awgii Xuseen looga sheegay oo dhan ee magacyada loogu bixiyay (sida mayd canaante) waxay ahaayeen been-abuur abaabulan oo siyaasadaysan oo qabyaaladaysan oo ujeedkiisu yahay in lagu magacdilo, laguna aamusiiyo.
Xuseen Nuur iyo kuwa arrintaa ku eedaynaya tusaalahoodu waa sida tusaalihii Cabdi Maxamuud Cumar iyo Adm. Maxamed Cumar Cismaan ! Cabdi Ileygii intuu Dr. Doolaal – AUN – dilay (ciidankiisu dileen) ee qaabkii loo dilay muuqaalka kasoo duubay ee maydkiisa soo qaatay ee saxaafadda kaga faanay dilkiisa ee filimkii dilkiisa oo aad u xanuun gadan keenay shirwayne ee lagu daawaday ee haddana markii dambe si kale u dhigay ee lacagta ku bixiyay mashruucii waynaa ee dacaayadda ahaa ee aynu isla garan ee la odhan jiray "Dr. Doolaal waxaa dilay Ina Cumar Cismaan" ee Universal TV, Cakaara Tv iyo saxaafaddii kiraysnayd ka socon jiray.
Sheekadan kale ee hadda la wareejin ee Xuseen Nuur iyo Cabdirashiid Cali Shoocaac, iyaduna waa isla siyaasaddaa oo kale uun. Waan dhagaystay waraysiga xuseen lagu haysto. Wax la qoonsado ama deel-qaafa oo haba yaraatee ku jiraa ma jiro. Nin buu ka-eed-sheegtay. Ninkaa magiciisa oo saddexan ayuu ugu yeedhay (hebal hebal hebal). In uu dawbax (garnaqsi) diyaar u yahayna waa uu sheegay. "...Suldaan Cabdimaalik oo wiilka suldaankiisa (geed-xidhihiisa) ah iyo Xaaji Cali Shoocaac oo wiilka dhalay ayaan codsigaa ergo ugu dirsanayaa" ayuu yidhi. Hadalkaa sariixa ah ee aan meela sarbeebi kasoo galin inta aayar la iska tuuro in eray lahjada (nin reerkiina ka tirsan) lasoo qaato oo macne aan meeshaba oollin lagu dul nabo la yidhaa 'nasab cay buu sameeyay' oo waliba la isugu rixiyo oo macaal raggii waawaynaa ee saxafiyiinta sheeganayay ee waraysiga baahiyay afsoomaaligay ku dhasheen ka shakiyaan oo waxaan jirin abuuraan, waxay ku tusaysaa sida dadkan loo yeeshay Ilaahay sokadii, maskaxdana looga qabsaday gumaysiga sokadii ! Waxaan xusuustay weedhii Cumar Binu Khadaab – RC – ee ahayd: Goormaad addoonsateen dadka ay hooyooyinkood iyaga oo xora dhaleen!
[متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمهاتهم أحرارا]
Xuseen Nuur, markii runta lagu soo dhawaado hal wax buu u dhimanayaa! Waa in uu Ina Cagjar taageersan yahay iyo in uu aad u dhaleeceeyo wixii ay sameeyeen Ina Iley iyo intii la socotay. Waa intaa oo basa!
Maanta, mayee isla saacaddan hadduu Xuseen Nuur 360 darajo kala wareego oo afuufo Ina Cagjar ama uu yidhaa "aaladda deegaanku maanta iyo Shalay waa isku mid, Ina Iley iyo Cagjar na waa laba Dabaqoodhi oo isku mida" shakili'i waxaa loogu yeedhayaa 'Sayid Xuseen', 'Sheekh Xuseen', 'Halgamaa Xuseen', 'Qoraa sare Xuseen', 'Ustaad Xuseen' iyo qaar kaloo badan.
Gunaanadkii, waxaa wanaagsan in ama si ilbaxnima leh oo akhyaarnima leh oo Alle kabsi leh loo doodo ama la kala dambi yaraysto.
Ismaaciil Cali Ismaaciil