Jawiil Media Pro

Jawiil Media Pro Here You Can get All latest updates and News So Join us.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey...
16/01/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya,

Maamulka  waqoyi galbeed soomaaliya. Ayaa ka mabnuucay  xijaab inay xirtaan dumarka magalooyinka Barbara  / burca  / har...
15/01/2026

Maamulka waqoyi galbeed soomaaliya. Ayaa ka mabnuucay xijaab inay xirtaan dumarka magalooyinka Barbara / burca / hargeesa arintaas oo ka soo horjeedo shareecada. Islamka qatarne ku ah dadka soomaaliyeed

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan   ayaa lagu buriyay dhammaan he...
12/01/2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii ay Dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda imaaraadka Carabta, kuwaas oo la xiriiray dhinacyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan waxa uu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, Go’aankaan ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliyeed, Hindise-sharciyeedka Taxkiimka, Xeer-nidaamiyaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha musiibooyinka dalka (NDRMF) iyo Xeer-nidaamiyaha Sharciga Adeegyada Shirkadaha.

Hindise Sharciyeedka illaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed oo ka kooban dhawr iyo tobon qodob, ayaa mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya, korjoogtayna aysan ku lahayn wasaaradda uu heshiiskaas khuseeyo.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal, ee kalfadhiga 7aad, kulankiisa laad ee aan caad...
28/12/2025

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Kulanka wadajirka ah ee labada Aqal, ee kalfadhiga 7aad, kulankiisa laad ee aan caadiga ahayn, oo ka gabsoomay xarunta Villa Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay Discembar 28, 2025, wuxuu ku dhawaaqayaa in aqoonsi kasta oo ay bixiso Israa'iil ama dowlad kale uu yahay mid waxba k**a jiraan ah, aan sharciyad lahayn, isla markaana aan wax saameyn sharciyeed oo caalami ah lahayn”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay xaaladda magaalada Boorame ayaa ugu baaqday Somaliland in ay xallis...
06/12/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay xaaladda magaalada Boorame ayaa ugu baaqday Somaliland in ay xalliso tabashada shacabka Awdal, iyada oo intaasi ku dartay in DFS ay taakulaynayso dhaawacyada u baahan gargaarka caafimaad.

Mid ka mid ah wariyaashii khawarijta  ayaa waxuu maalin walbo surad xumeyaa dalkeena soomaaliya  hormarkisa  iyo amniga ...
04/12/2025

Mid ka mid ah wariyaashii khawarijta ayaa waxuu maalin walbo surad xumeyaa dalkeena soomaaliya hormarkisa iyo amniga uu ilhay nasiiyay waxuu aflatoxin u geestaa madaxweynaha qaranka soomaaliya mudan xasan sheekh maxamuud bulshada soomaali waa inay ka hor tagaan wajiga cusub ee khawarijta la soo baxday khawarijta way kalaro badan tahay marba dhinaca ayay ka soo galayaan sida ( Gaylan media )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada...
03/12/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro ka socda siddeed dal oo kala ah; Masar Mudane Mohamed Salah Keshtah, Indonesia Mudane Witjaksono Adji, Sweden Mudane Hans Henric Lundvqist, Cuba Marwo Inés Fors Fernandez, Canada Mudane Joshua Brenber Tabah, Finland Marwo Riina Riikka Heikka, Norway Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain Mudane Jaime Alejandro Moreno

Address

9 Larkspur Street Zinniaville Rustenburg
Rustenburg

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jawiil Media Pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share