
20/07/2025
Bulshada ku nool magaalada Qalloocan ee degmada Gallaadi ayaa si weyn uga cabanaya adeegga liita ee isgaarsiinta, gaar ahaan ateenada telefoonada iyo khadka aad u daciif tahay isla markaana si joogto ah u go’do mararka badan, xilli kasta.
ateenada isgaarsiinta ayaa mararka qaar gabi ahaanba meesha ka baxda, taasoo saameyn ku yeelatay nolosha bulshada, ganacsiga, isgaarsiinta guud ahaan.
Waxay bulshada Qalloocan codsanayaan in la kordhiyo awoodda ateenada isla markaana shirkadaha isgaarsiinta ay si dhab ah uga jawaabaan baahida dadka deegaanka, maadaama ay Qalloocan kamid tahay magaaloyinka ugu dadka badan Gobolka , kuna taal meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka Doollo.
Waxaa sidoo kale baaq loo dirayaa maamulka degmada Gallaadi iyo maamulka gobolka Doollo in ay arrintan la socdaan oo ay ka shaqeeyaan sidii xal waara loogu heli lahaa cabashada isdaba joogga ah ee bulshada.
Qalloocan TV