13/02/2025
Suuqa crypto currency-gu waa suuq aad u cajiiba fursado badan bixiya dad badan oo daafaha aduunka ahna ay ka qabsadeen lacago xad dhaaf ah.. suuqani fursadaha ku jira wali dadka afka somaliga ku hadla may fahmin waliba kuwoodooda lacagaha buuran haysta ee sameyn kara maalgashiga balaadhan...badi dadka lacagaha leh ee somalida ah lacagtoodu way iska dhoobantahay bangiyada ama waxay ku jirtaa dhul iyo dhisme..
Suuqyada saamiyada stock-ga caadiga ah sida shirkadahaa waaweyn ee Microsoft, Amazon, Google (Alphabet), Apple, Facebook (Meta), NVIDIA, iyo suuqyada Crypto Currency-gu waa suuqyo fursado badan laga faaido oo dadka somalida waliba kuwooda lacagta leh badankoodu anay fahminba...
Dhinaca crypto currency-ga dadka tirada yar ee ku baraarugay waxay u badanyhiin dhalinyaro iska duruufaysnaa oo camal la`aantu ku qasabtay inay fursado raadiyaaan qaar badan oo dhalinyarada ku baraarugtay ahna faa`idooyin buuran iyo madaxbanaani dhaqaale ayey kala kulmeen suuqyada....
Suuyqadani aad bay u faa`ido badanyhiin tusaale ahaa stock-ga caadiga ah hadii aynu eegno Shirkada NVIDA oo ah shirkad marykan ah oo soo saarta chipka GPU-ga computeradu ku shaqeeyaan sando yar ka hor halkeeda share wuxu taagnaa $0.89 maanta wuxu marayaa $131 maalmaha qaar way ka kor martaa.
Ka soo qaad dhowr sano ka hor markii ay maraysay $0.89 qofkii gashaday lacag yar oo $1000 kasoo qaad wuxu heli lahaa 1123.59 share...
Hadii qiimaha maanta lagu dhufto $1000 kii doolar wuxu noqon lahaa $147,191... cajiib waa lacag aad u badan kofkii $10000 gashan lahaa muxuu heli lahaa? $1,471,910. waa lacag aad u badan...
Hadii aynu suuqa crypto u nimaadno isna waa ka sii fursado badanyahay waxaa surto gal ah $500 oo aad maanta gashatay in bilo yar ka dib aad kala baxdo lacag kumanaan ah....
Hadaba suaal aan idin waydiiyo dadka page-ka ku xidhan imisa qof baa fahansan kuna jira suuqyada.? Comment noogu dhaaf..