Shuuke Media

Shuuke Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shuuke Media, Chililabombwe.

Kala soco Shuuke Media:

→ Wararka Bariga Dhexe
→ Warbixino Sirdoon
→ Arrimaha Milatariga
→ Xiisadaha Caalamka

Si aadan u seegin xogaha ugu dambeeya:
✔ Like saar
✔️ Follow garree

➔ Ku biir saaxiibada bogga wararka Shuuke Media – Facebook

CIIDANKA BOOLISKA DAGMADA QARDHO OO SOO QABTAY LABA EEDAYSANECiidanka Booliska Degmada Qardho ayaa ku guuleystay soo qab...
08/09/2026

CIIDANKA BOOLISKA DAGMADA QARDHO OO SOO QABTAY LABA EEDAYSANE

Ciidanka Booliska Degmada Qardho ayaa ku guuleystay soo qabashada laba eedeysane oo kala ah Miski Torad Nuur iyo Bushro Torad Nuur, kuwaas oo baraha bulshada kusoo baahiyay muuqaal la xiriira fal lagu dhibaataynayay Najma Cumar Maxamuud.

Ciidanka Booliska ayaa si degdeg ah uga hawlgashay dhacdadan, waxaana gacanta lagu soo dhigay labada eedeysane.

Eedeysanayaasha ayaa la horgeyn doonaa hay’adaha caddaaladda, si sharciga loo waafajiyo, loogana qaado tallaabada ku habboon.

Kadib markii sawirkiisu uu ku baahay dunida oo dhan isagoo dhoolla-caddeynaya xilligii uu geeriyoonayay, maanta ayaa la ...
08/09/2026

Kadib markii sawirkiisu uu ku baahay dunida oo dhan isagoo dhoolla-caddeynaya xilligii uu geeriyoonayay, maanta ayaa la shaaciyay magaca qofka sawirka lahaa. Waa Cumar Ismaaciil Al-Shariif (عمر إسماعيل الشريف). Alle ha ka aqbalo camalkiisa

Cumar Ismaaciil Al-Shariif wuxuu ahaa dagaalyahan Falastiini ah oo loo yaqaanay naanaysta “Shahiidkii dhoolla-caddeeynayay ee Qaza

WAR-SAXAAFADEEDDowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka duqaynta ee xalay diyaaradaha dagaalka ee Dowl...
04/09/2026

WAR-SAXAAFADEED
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka duqaynta ee xalay diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Turkiga ay fuliyeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Weerarkan bahalnimada ah wuxuu si toos ah u beegsaday Guri uu degganaa Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sababta Dowladda Federaalka ah iyo Turkigu ay u beegsanayeen ay ahayd oo kaliyah in uu kaga aragti duwanaaday dhinaca Siyaasada iyadoo gantaalada ay diyaaradu tuurtay oo labo ahaa mid kamid ah uu ku dhacay guriga Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyo afar Qof oo kale oo shacab ah.

Magaalada Doolow oo ahayd magaalo ka caagan falalka amni-darada ah dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, in saqdhexe gantaalo lagu garaaco oo ay ku waxyeelooban dad aan Waxba galabsan Waa danbi dagaal oo ay tahay in lagula Xisaabtamo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday iyo Dowladda Turkiga oo ah cida lahayd Diyaarada weerarka fulisay isla markana noqotay aalad Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday uu u adeegsado dadka ka fikir duwan.

Ficilkan wuxuushnimada ah wuxuu astaan u yahay sida Madaxweynaha sharci darada xukunka ku jooga iyo Dowladda tunka ku wadata ee Turkiga ay meel halis ah ugu sii wadaan dalka, taas oo wakhti horaba la sii arki karay saamaynta iyo caadooyinka xun ee ay dalkeenna ku reebayan.

Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka iyo Midowga Yurub in il gaar ah lagu eego falalka aan caadiga ahayn ee Turkigu qaybta ka yahay, taas oo aanay ku jirin danta dadka Soomaaliyeed iyo mida gobolka.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Qaramada Midoobay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan dib ugu eegaan go’aankii Soomaaliya lagaga qaaday cunaqabataynta hubka, inta laga helayo dowlad mas’uul ah iyo gacmo lagu aamini karo hubka ay dowladaha caalamku ugu deeqayaan Soomaaliya.

Ugu danbayntii talaabadan waxay horseedaysa in Dowladda Turkiga aan loo arki doonin wixii hada ka danbeeya inay qeyb ka noqon karto dadaalada xal raadinta iyo dhexdhexaadinta Arrimaha gudaha Soomaaliya isla markana ay caqabad ku tahay wada hadalada iyo isku raadinta dadka Kala aragtida duwan ee Soomaaliyeed maadama ay cadaysatay in garab buuxa u tahay dhinac gaar ah.
DHAMMAAD

Sawiro:Duqayntii xalay lala beegsaday guriga Taliye Shub ee ku yaal degmada Doolow oo muujinaysa baaxada bur bur
04/09/2026

Sawiro:Duqayntii xalay lala beegsaday guriga Taliye Shub ee ku yaal degmada Doolow oo muujinaysa baaxada bur bur

17/08/2026

: "Xoggo sirdoon oo ay Dowladda Puntland heshay ayaa sheegaya in Hoobiyaal iyo Qaraxyo..." Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Fardafuul.

Maamulka Gobalka Mudug ayaa si rasmi ah u mabnuucay ka ganacsiga Birta
17/08/2026

Maamulka Gobalka Mudug ayaa si rasmi ah u mabnuucay ka ganacsiga Birta

Ma rabtaa in aad wax yar fahanto xaalku sida uu yahay?Halkaa dabaqa ka muuqda waa Five-star, wadada ciidanka PL taaganya...
16/08/2026

Ma rabtaa in aad wax yar fahanto xaalku sida uu yahay?

Halkaa dabaqa ka muuqda waa Five-star, wadada ciidanka PL taaganyahay waana dhanka galbeed wadada kaso gasha ee dhanka iskool umadda. Halkaa waxa qorsheysan in laguso dhaweeyo biri Xasan shiikh. Oo sawirka boorka so dhaweynta ayaaba ku muuqda.

Wax ka yar 100 talaabana waxa jooga ciidanka Puntland.

Halkaa markay marayso, waxaan ku muuqanaysa in ay mar walba dhici kadho isku dhac hubeysan oo u dhexeeya ilaalada Xasan iyo ciidanka Puntland, waa arinka uu rabo Xasan waana ujeeda uu u imaanayaba Galkacyo, waa meel xasaasi ah meeshaan, hal xabbo haday dhacdo nabaddi, deganaashihii iyo isku tanaasulkiba meesha ayuu ka baxahayaa.

Waxaa maanta layaab leh in ninka colaada ka shaqeenaya, ninka raba in uu Galkacyo xabad ka rido uusan ahayn labada reer ee meesha dagan, se qofka ugu sokeeya ee asaga ahi uu joogo Xaradheere wixii ka shisheeya.

Bulshada magalada waxaan leeyahay, nabadda aan wada ilaashano, nimaan idin furi dooni yuusan idin rarin, waa ogsoonahay dagaal sokeeye wuxu yahay, annaga ayaa inta isku daalnay danteena u hishiinay oo niri “Dib isu dagaali mayno”, maanta nimaan deeganka u dhalan yuusan nabadda naga burburin. Si wada jir ah aan uga hortagno qaswade Xasan shiikh.

Gabagabadii, waxaan ifka u jeclahay Galkacyo oo nabad ah, eebe jiic jiica yare jira tii aysan luxin haka yeelo.

Salah farah

Dowladda Puntland ayaa hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada  ku amartay in aysan wada degi karin lamaanayaal ...
16/08/2026

Dowladda Puntland ayaa hoteellada, apartment-yada iyo guest house-yada ku amartay in aysan wada degi karin lamaanayaal aan haysan Shahaadada Guurka ee ay bixiso Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay amnigeeda, iyadoo hakad la geliyay isu socodka labada dhinac ee mag...
15/08/2026

Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta si weyn loo adkeeyay amnigeeda, iyadoo hakad la geliyay isu socodka labada dhinac ee magaalada.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu daadiyay waddooyinka isku xira labada dhinac ee Gaalkacyo, waxaana dadka iyo gaadiidka maraya goobahaasi lagu sameynayaa baaritaanno.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu kusoo wajahan yahay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku sugan Gaalkacyo, iyadoo Puntland ay dhawaan soo saartay digniin la xiriirta imaanshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada sheegtana in uu colaad hurinayo.

WOQOOYI-BARI: Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwah...
15/08/2026

WOQOOYI-BARI: Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, Mudane George Conway ayaa ku wajahan Laascaanood, isaga oo shirar ku aadan howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha & mashaariicda la yeelanaya mas'uuliyiinta maamulka & bulshada, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ka tirsan QM.

Socdaalkan ayaa lagu wadaa in uu jid-fur u noqdo hey'adaha gargaarka & horumarinta ee ka howlgala dalka oo aan haatan cagtoodu ku badnayn maamul kaas.

Address

Chililabombwe

Telephone

+252907668554

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shuuke Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Shuuke Media:

Shortcuts

Share