28/09/2025
AFGAANISTAAN Kadib 20 sano oo joogitaan ciidan ah, Mareykanka ayaa isaga baxay Afgaanistaan sanadkii 2021, isagoo halkaas uga tagay hub lagu qiyaasay in uu gaarayo $7 bilyan oo doolar. Hubkan ayaa hadda si caadi ah loogu kala iibsanayaa suuqyada dalkaas, qaarkoodna qiimo jaban oo la mid ah sida khudaarta loo kala gato.
Mareykanka ayaa muddadii uu joogay dalkaasi ku bixiyay lacag ka badan $1 trillion doolar, wuxuuna dhisay boqolaal saldhigyo ciidan ah. Markii ciidamadiisu ka baxeen dalka, waxaa saldhigyadii iyo hubkii uu ka tagey maraykanku si fudud ula wareegay kooxda Taalibaan, kuwaas oo hadda gacanta ku haya
Taalibaan waxay heshay noocyada
Qoryaha M-4 iyo M-16
Hub casri ah iyo qalab militari oo horumarsan
Gawaari dagaal, diyaarado iyo agab ciidan oo kale
Warbixin laga helay saldhig keliya oo ciidan ayaa muujinaya cadadka hubka ay kooxdaasi qabsatay
Kooxda Taalibaan, oo Mareykanku la dagaallamay muddo labaatan sano ah, ayaa hadda noqotay mid hubaysan, isla markaana si buuxda u maamusha dalka. Dhanka kale, dowladda maraykanka ayaa bilaabeysa hadallo cusub oo muujinaya xiisaha ay u qabto in ay mar kale dib ugu soo laabato gobolka.