11/03/2025
Wada-hadallo uu Sacuudiga dhex dhexaadinayo ayaa magaalada Jiddah uga furmay saraakiisha Mareykanka iyo Ukraine , iyadoo wada-hadalka oo qeyb ka ah dadaallada joojinta dagaalka Ukraine ay ka qeybgalayaan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Marco Rubio, dhiggiisa Ukraine Andrii Sybiha iyo saraakiil kale.
Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine , Andrii Sybiha ayaa wada-hadalka ku sheegay mid waxtar ah oo h**ey loogu soconayo nabadeynta, isagoo markaa caddeeyay inay Ukraine diyaar u tahay in la joojiyo dagaalka.
Dhinaca Ruushka; Andrey Baklanov, safiirkii h**e ee Ruushka u fadhiyay Sacuudiga, ayaa sheegay in dalkiisa aanu wax badan ka fileyn wadahadalka u dhaxeeya saraakiisha ugu sareysa Mareykanka iyo Ukraine ee ka socda Sacuudiga. Wuxuu intaa ku daray ; “Zelenskyy annagu uma tixgalinayno inuu yahay madaxweyne dhab ah.. Marka sidee baan si dhab ah ugala hadli karnaa nabadda dembiilayaashan?" ayuu u sheegay Aljazeera.
Baklanov ayaa sidoo kale sheegay in dhinaca Ruushku ay qiimeynayaan soo jeedinta uu soo bandhigay maamulka Trump, laakiin wuxuu raaciyay, "Aad ayaan uga shakisannahay."
Telefishinka Sky News, ayaa dhankiisa ku warramay saraakiisha Mareykanka inaysan dhageysan doonin nooc kasta oo dalab ay Ukraine ku raadinayaan inay ku helaan dhulka ka maqan iyo inay ku noqdaan xuduudahooda ka horreeyay 2014 ee Crimea ama 2022 oo ah waqtiga uu bilowday dagaalka haddda socda ee gobollo ay ku lumisay Ukraine.