Tusmo Media

Tusmo Media Tusmo Media Independent platform sharing news & voices.
تُسْمو ميديا منصة مستقلة للأخبار والقصص.

Madal madax-bannaan oo faafisa warar iyo sheekooyin muhiim ah.

07/26/2026

The Somaliland President who displaced civilians

Xukuumada Somaliland ayaa Sidii Wefti Heer Caalami ah Oo Somaliland Aqoonsi u Sida ugu Buunbuunisey Warbaahinta fihiima ...
07/17/2026

Xukuumada Somaliland ayaa Sidii Wefti Heer Caalami ah Oo Somaliland Aqoonsi u Sida ugu Buunbuunisey Warbaahinta fihiima Yusuf Quuje oo H**e uga Tirsanayd Golaha degaanka Degmada Laascaanod Iminka Ku Magacownayd Xildhibaan baarlamaan Taas la noqotay aragtida maamul halka laga Dhisey

Hadaba Fihiima Yusuf Quuje Maxay Somaliland kuso Kordhinaysa?

Ma Gobolka Sool Bari ayay mar kale Somaliland u Gacan gelinaysa?

Soomaaliya ma Maxmiyad baa 2026?Go'aanka ay Dawladda Federaalka Soomaaliya hoos ugu dhigtay calanka qaranka ee ku aaddan...
07/13/2026

Soomaaliya ma Maxmiyad baa 2026?

Go'aanka ay Dawladda Federaalka Soomaaliya hoos ugu dhigtay calanka qaranka ee ku aaddanaa baroor-diiqdii loo sameeyay Amiirkii h**e ee dalka Qatar, ayaa kiciyay dood xoogan iyo naqdin baahsan oo ku aaddan sharafta waddaniga ah iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka

tallaabadan ayaa ah mid meel-ka-dhac ku ah miisaanka uu calanku u leeyahay umadda Soomaaliyeed. Waxaa si weyn loo su'aalay sababta calanka astaanta u ah dhiiggii iyo halgankii loo soo maray xorriyadda hoos loogu dhigay mas'uul shisheeye, iyadoo dhanka kale la iska indho-tiray halyeeyadii, geesiyaashii ciidanka, iyo aqoon-yahannadii dalkan naftooda u huray ee geeriyooday iyagoo aan helin maamuus iyo baroor-diiq qaran oo heerkan la eg?

Su’aasha Ayaa Ah Somalia Ma Maxmiyad Baa 2026?

Waxaa soo baxaya warar naxdin leh oo sheegaya in muwaaddin Khaalid-Kaamil uu toddobaadkii labaad u xidhan yahay ciidanka...
07/09/2026

Waxaa soo baxaya warar naxdin leh oo sheegaya in muwaaddin Khaalid-Kaamil uu toddobaadkii labaad u xidhan yahay ciidanka sirdoonka Somaliland, ka dib markii loo haysto taageero uu u muujiyey dadka reer Qaza.
Wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in Khaalid lagula kacay jidhdil aad u daran oo ka baxsan bini'aadantinimada. Xadgudubkan ayaa la sheegay inay gaysteen ciidanka sirdoonka, kuwaas oo garaacis iyo jidhdil ugu bilaabay Khaalid tan iyo markii ay gurigiisa ka soo afduubteen iyo intii ay ku hayeen xarumahooda baadhista

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaa...
07/09/2026

Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan ganacsatada iyo shacabka,

ka dib markii lagu dhawaaqay mudaharad iyo shaqo-joojin ballaadhan oo dalka oo dhan ka dhici doonta maalinta Sabtida ee 11-ka July.

Guuxan iyo abaabulkan xooggan ayaa ku yimid ka dib markii dadweynuhu ka horyimid cashuurta cusub ee GST (Goods and Services Tax) oo ay xukuumaddu soo rogtay, taas oo dadku u arkaan inay tahay culays dhaqaale oo hor leh oo lagu soo rogay nolosha caadiga ah ee muwaaddinka

07/02/2026

Madaxweyne Muuse markuu beertiisii ka soo cararayey baqdin
kuugumuu iman. Waar
ninku waa Muuse, waxay ka ahayd gobannimo. Ma ahayn inaad sidaa tiqtiiqsiga leh ugu soo
jawaabto

Gudoomiyaha Xisbiga Kaah

Tusmo Media Independent platform sharing news & voices.
تُسْمو ميديا منصة مستقلة للأخبار والقصص.
Madal madax-bannaan oo faafisa warar iyo sheekooyin muhiim ah.

Cajiib Shalay Waxaan Sagootinnay Aabihii Oo Gacan Ka Xaqdarani Dishey Caawana Waxaan Dunida Ku Soo Dhoweynaynaa Wiilkiis...
06/30/2026

Cajiib Shalay Waxaan Sagootinnay Aabihii Oo Gacan Ka Xaqdarani Dishey Caawana Waxaan Dunida Ku Soo Dhoweynaynaa Wiilkiisii Oo Agoon Ah

Waa Mid Ka Mid Ah Dhacdooyinka Ugu Xanuunka Iyo Qiirada Badan Ee Ruxay Qalbiyada Bulshada, Taas Oo Muujinaysa Wejiyada Kala Duwan Ee Nolosha Iyo Sida Ay Geerida Iyo Dhalashadu Isu Beddelaan.
Shalay, Waxaa Ciidda Lagu Rogay, Lana Aasay Allaha U Naxariistee Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Shahiiday Dagaalkii Dhowaan Ka Dhacay Aagga Buuralayda Gobolka Sanaag. Geeridiisa Ayaa Reebtay Tiiraanyo Iyo Masiibo Ku Habsatay Qoyskiisa Iyo Asxaabtiisaba.
Laakiin, Awoodda Iyo Mucjisada Alle Ayaan Marnaba Idlaan.
Saacadahaas Kooban Ee Ay Qoysku Ku Jireen Baroor-diiqda Iyo Madoobaadka Nolosha, Waxaa Caawa Dunida Ku Soo Biiray Oo U Dhashay Wiil Yar Oo Uu Isagu Dhalay. Wiilkan Yar Ayaa Ku Dhashay Xaalad Adag, Isaga Oo Aan Marnaba Heli Doonin Fursad Uu Ku Arko Aabihii, Misana Aan Maqli Doonin Codkiisa, Balse Noqon Doona Bedelkii Iyo Raadkii Uu Kaga Tegay Dunidan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay xog mucjiso ah: Sanad-maaliyadeedkan dhamaaday ee 2025/2026, dalka Itoobiya wux...
06/30/2026

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay xog mucjiso ah: Sanad-maaliyadeedkan dhamaaday ee 2025/2026, dalka Itoobiya wuxuu dhoofinta bunka kaliya ka sameeyay lacag rikoodh ah oo gaadhaysa $3 Bilyan oo doolar! ($3,000,000,000 USD). Taasi waxay ka dhigan tahay in ka badan 30% guud ahaan dakhliga uu dalkaasi dibadda ka helo.

Laakiin, ma ogtahay in bilyanada maanta aduunka ka wareegaya ay ku bilawdeen si kedis ah, sababteedana ay lahaayeen Ri'yo?

Qisadii Cajiibka Ahayd ee Geedka Kaffa
Sheekadu waxay ku bilaamaysaa qarnigii 9-aad ee miilaadiga, gobolka lagu magacaabo Kaffa oo ku yaalla dhulka sare ee Itoobiya (halkaas oo uu magaca Coffee asal ahaan ka yimid).

Adhijir la dhihi jiray Kaldi ayaa dareemay in riyihiisii ay noqdeen kuwo aad u firfircoon, oo boodboodaya habeenkiina diidaya inay seexdaan. Markii uu si dhow u eegay, wuxuu ogaaday inay daaqayaan geed yar oo dhalaya midho guduudan.

Kaldi laftiisa ayaa midhihii dhadhamiyay, wuxuuna isla markiiba dareemay tamar xad-dhaaf ah iyo hurdo-la'aan!

Wadaad diineed ku dhowaa ayaa isna midhihii u qaatay foox ahaan wuxuuna ku tuuray dabka. Laakiin markii ay midhihii dabka ku gubteen, waxaa soo uuntay caraf aad u udgoon badan oo cajabisey qof kasta! Waxay soo saareen midhidhii gubtay, waxay ku dhex dareen biyo kulul... Halkaasna waxaa ku dhashay koobkii ugu horreeyay ee Bun ah!

Xisbiga KAAH ayaa si cad Oo shuruud la'aan ah u cambaareeyey tillaabada ay Somaliland safaarad rasmi ah kaga furatay mag...
06/29/2026

Xisbiga KAAH ayaa si cad Oo shuruud la'aan ah u cambaareeyey tillaabada ay Somaliland safaarad rasmi ah kaga furatay magaalada Qudus (Jerusalem)

Xisbigu wuxuu ku tilmaamay go'aankan mid xad-gudub ku ah siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, kana hor imanaysa Dastuurka iyo mabaadi'da caalamka Islaamka.

KAAH ayaa hoosta ka xariiqay in furitaanka safaaraddan ay tahay khalad weyn oo diblomaasiyadeed, maadaama magaalada Qudus ay tahay dhul muqaddas ah oo si sharci-darro ah looga haysto dadka Muslimiinta ah ee reer Falastiin

Wiilkan ayaa sheegay in uu Hargaysa uga baxay si aan loo masaafurin oo aan loogu darin Oromada lagu celinayo Itoobiya."A...
06/29/2026

Wiilkan ayaa sheegay in uu Hargaysa uga baxay si aan loo masaafurin oo aan loogu darin Oromada lagu celinayo Itoobiya.

"Aabahay wuu dhintay, hooyadayna waxay ka soo jeeday Qoomiyad Oromada oo way inacday

anigu waxaan
iskaga noolahay Dooxa Hargaysa"ayuu yidhi.

Wiilkan oo da'diisa ku sheegay 10jir ayaa maanta u lugeeyay magaaladda Berbera halkaasi oo ay dhalinyar safar ahayd kula kulantay isaga oo 5tii galabnimo sii socda.
"Waxan u lugaynayaa Berbera oo an usocon doono saddex cisho intaa wax kale k**a cararayo, waxaan ka cabsanaya in Hargaysa layga tarxiilo maadama Hooyaday Oromo tahay".
Wiilkan yar ayaa sheegay in Aabihi Allaha u naxariiste vu ahaa Somaali gaar ahaan Isaaq Ciidagale.
"Ilahayba Khayr isiinaya cuntana ma wato, waraabahana ka bagi maayo oo llahay uunban ka
cabsanayaa,caagadaha vunban Biyo Ku sitaa".
Somaliland ayaa sheegtay in ay tarxiilayso ajaanibta
Oromo kamid tahay ee sharci darada ku jooga deeganadasi.

Address

Queen Street W
Toronto, ON
M5S1A1,M5H2M9,M4B1C6

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tusmo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Tusmo Media:

Shortcuts

Share