
12/08/2025
Ethiopian Airlines iyo Bangiga Horumarinta Afrika ayaa kala saxeexday dukumenti u oggolaanaya Bangiga inuu wakiil ka noqdo habaynta iyo fulinta maaliyadda mashruuca dhismaha garoon diyaaradeed cusub oo ka dhismi doona meel u dhow magaalada Bishoftu.
Munaasabadda saxiixa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, Guddoomiyaha guddiga Ethiopian Airlines Lt. Gen. Yilma Merdassa, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.
Sida ku xusan heshiiska, Bangiga Horumarinta Afrika ayaa maamuli doona hawlaha maalgelinta mashruuca cusub. Garoonka cusub wuxuu yeelan doonaa afar marinka diyaaradaha (runways), iyo adeegyo casri ah oo loogu talagalay rakaabka iyo xamuulka.
Mashruuca oo loo qaybin doono shan marxaladood marka la dhameeyo, wuxuu awoodi doonaa inuu sanadkii qaabilo in ka badan 100 milyan oo rakaab ah.
Garoonkan cusub ayaa lagu dhisayaa dhul cabbirkiisu yahay 3,975 hektar, iyadoo qiimaha mashruucu uu yahay $10 bilyan. Markuu dhammaado, wuxuu afar-laabi doonaa awoodda duulista Itoobiya.